5/18/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 3 , 2020
Amnesty International “Weriye Abuuja waa in si sharuud la’aan ah lagusii daayaa”


 

Jimco, July 3, 2020 (HOL) - Hay’adda xuquuda aadanaha Amnesty International  ayaa waxay warbixin kasoo saartay xaaladda suxufiga bilooyinka ku xiran magaalada Muqdisho Maxamed Cabdiwahaab Nuur “Abuuja”.

Amnesty ayaa walaac ka muujisay xarigga waqtiga dheer qaatay ee weriyaha, isagoo illaa iyo hadda helin cadaaladdii uu mudnaa.

Amnesty International ayaa Dowladda Faderaalka ah ee Soomaaliya waxay weydiisatay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo sii daayo , si bilaa sharuud ah .

Saxafiga Maxamed Cabdiwahaab Nuur ayey ciidamada nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya xereen 7-dii bishii Maarso ee sanadkaan.

Ururrada saxaafadda Soomaaliya iyo Aabbihii ayaa dhowr bil ka hor codsaday in lasiiyo saxafigaasi cadaalad, sida ugu dhakhsiyaha badanna loogusoo celiyo xorriyaddiisa.

Hay’adda Amnesty International waxay warbixinteeda ku sheegtay iney aad uga walaacsantahay xabsiga hadda lagu hayo weriye Abuuja oo dad badan ay ku xeranyihiin, xilli Soomaaliya iyo caalamkaba ay la dagaallamayaan xanuunka COVID-19.

Saxafiga maxbuuska ah ee cadaaladda u baahan Maxamed Abuuja ayaa dhowaan qaar kamid ah madaxda Ururrada saxaafadda iyo Aabbihii  oo ku booqday xabsiga ee uu ku xeranyahay ee Muqdisho , waxa uu u sheegay inuu ka cabanayo madax-xanuun saa’id ah, isagoo intaa ku daray inuu u baahanyahay baaritaan caafimaad.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]











Click here
7/3/2020 10:38 AM EST
Jimco, July 3, 2020 (HOL) - Guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan ayaa waxa uu ka hadlay arrinta metalaadda siyaasadda ee Gobolka Banaadir, waxa uuna sheegay in xildhibaannada aqalka hoose ee qaranka ay sameeyeen ansixin taariikhi ah, oo wax weyn uga dhigan shacabka Soomaaliyeed ee ku nool caasimadda Soomaaliya.

7/3/2020 7:49 AM EST
Jimco, July 3, 2020 (HOL) - Sharikadda duulimaadka ee Turkish Airlines ayaa qorshaynaysa inay dib u bilawdo duulimaadyadii ay ku tagi jirtay Afrika, oo ay kujirto magaalada Muqdisho, taasoo bilaaban doonta usbuuca soo socda.

7/3/2020 6:51 AM EST
Jimco, July 3, 2020 (HOL) - Wararka laga helayo deegaanka Cabdalle Biroole ee duleedka Magaalada Kismaayo ayaa waxay sheegayaan in hoobiyayaal lagu weeraray saldhig ciidamada Kenya ay ku leeyihiin halkaasi.

7/3/2020 6:42 AM EST
Jimco, July 3, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu madaxtooyada ku qaabilay wafdi ka socday Dowladda Kenya oo muddo laba maalin ah ku sugnaa magaalada Hargeysa sida ilo ku dhow ay u sheegeen HOL.

7/3/2020 6:35 AM EST
Jimco, July 3, 2020 (HOL) - Guddoomiyaha Baarlamanka maamulka Hirshabeelle Cismaan Barre Maxamed oo xalay ka qeyb galay munaasabad lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu ka hadlay shirka dhowaan lagu wado inuu ka dhaco magaalada Muqdisho ee u dhexeeyo madaxda dowladda Faderaalka ah iyo mas’uuliyiinta sare ee Maamul Goboleedyada.

7/3/2020 6:16 AM EST
Jimco, July 3, 2020 (HOL) - Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa waxa uu sheegay in ay tahay wax aan la aqbali Karin, in marka lasoo gaaro waqtiyada kala guurka ah Baarlamanka dalka awooddiisa la dhimo oo masiirka qaranimada iyo jiheynta aayaha dowladnimada loo doonayo 10 ruux oo keliya, taas oo ka horimaaneyso hannaanka dowladnimada sida uu sheegay.

7/3/2020 6:10 AM EST
Jimco, July 3, 2020 (HOL) - Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa dowladda federalka ugu baaqay inay talada dib ugusoo celiso shacabka haddii ay ku fashilantay in la qabto doorasho waqtigeedii ku dhacda.

7/3/2020 6:08 AM EST
Jimco, July 3, 2020 (HOL) - Siyaasiyiin kasoo jeeda Puntland oo xilal kala duwan kasoo qabtay dowladda federalka iyo maamulka Puntland iyo Senataro ayaa madaxweyne Deni ugu baaqay inuu ka qeyb galo shirka wadatashiga doorashada ee Muqdisho ka dhacayo.