4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 3 , 2020
Guddoomiyaha Baarlamanka Hirshabeelle oo madaxweyne Waare uga digay dabin siyaasadeed oo loo maleegi karo
 

Jimco, July 3, 2020 (HOL) - Guddoomiyaha Baarlamanka maamulka Hirshabeelle Cismaan Barre Maxamed oo xalay ka qeyb galay munaasabad lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu ka hadlay shirka dhowaan lagu wado inuu ka dhaco magaalada Muqdisho ee u dhexeeyo madaxda dowladda Faderaalka ah iyo mas’uuliyiinta sare ee Maamul Goboleedyada.

Cismaan Barre ayaa waxay hadalladiisa inta badan ku socdeen madaxweyne Maxamed Cabdi Waare, isagoo ugu baaqay inuu aqbalo, oo uu ka qeyb-galo shirka uu madaxweyne Farmaajo iclaamiyay.

“Waxaan u sheegayaa madaxweyne Waare, inuu yimaado oo uu ka qeyb-galo shirka dowladda iyo maamul Goboleedyada, madaxweyne waxaad tahay mas’uulka ugu sarreeya Hirshabeelle, iska daa’ maamullada diiday la hadalkooda yaaney cod kaa duubin sidii ay horay aniga iiga duubeen” ayuu yiri Cismaan Barre.

Maamulka Puntalnd ayaa horay u qaadacay in uu ka qeyb-galayo shirka, halka Jubaland–na uu ka muuqanayo saluug badan.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]