3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 29, 2020
Cabsi xoogan oo laga qabo inuu Fatahaad ka sameeyo Wabiga Shabelle Magaalada Baledweyne oo korortay
 

Arbaco, Luulyo 29, 2020 (HOL) - Dadka ku dhaqan magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa walaac xoogan ka muujinayo biyo aad u fara badan uu wado Wabiga Shabelle oo dhexmara magaalada Baledweyne.

Cabsida fataahada ay ka qabaan bulshada Baledweyne ayaa siyaaday kadib markii ay curteen roobabkii xiliga deyrta, oo maalmahan ka da'ayay Baledweyne iyo nawaaxigiisa iyo waliba dhulka sarre ee dalka Itoobiya.

Xaafadaha Howlwadaag iyo Xaawo-taako ayaa ah xaafadaha ugu daran ee hadda qarka u saaran in laga barakaco, madama labadaasi xaafadood ay ku yaalan laba kili oo markuu wabiga biya keeno ay ku baxaan biyo aad u fara badan kuwaas oo sababa in labadaasi xaafadod ay noqdaan xaafadaha ugu horeeya ee biyaha wabiga Shabelle looga barakaco.

Cabsida fatahaadan ayaa imaaneysa xili wali aysan kasoo kabsanin dadka shacabka ah khasaaraahii kasoo gaaray fatahaadii lasoo dhaafay oo baledweyne ku dhufatay dhamaadkii bishii April ee sanadkan 2020, markaas oo guud ahaan xaafadaha magaalada baledweyne looga barakacay fatahaad uu sameyay wabiga Shabelle.

Guddiga gurmadka fatahaada baledweyne oo iyaga gacanta ku haayo lacag ka badan hal milyan oo dollar oo loogu talo galay ka hortaga iyo la tacaalista wax ka qabashada fataahadaha ayaa wali wax war ah kasoo saarin walaaca xoogan ee la soo darsay shacabka reer Baledweyne oo markale saddex bilood kadib wajahaya barakac kale.

Hiiraan Online News Disk













Click here
7/29/2020 6:24 PM EST
Arbaco, Luulyo 29, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Dowlad-gobolleedka Koonfurgalbeed, Cabdicasiis Xassan Maxamed (Laftagareen) ayaa maanta xafiiskiisa xarunta madaxtooyadda ee magaalada Baydhabo ku qaabbilay, wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya, Sadiq Xirsi Warfa iyo wafdi uu hoggaaminayay oo shalay halkaa gaaray.

7/29/2020 11:16 AM EST
Arbaco, Luulyo 29, 2020 (HOL) - Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa waxay maanta xabsi dhan lix bil iyo ganaax lacageed oo gaaraya Shan milyan oo shilin Soomaalia ah Weriye Cabdicasiis Axmed Gurbiye oo ah agaasime ku xigeenka Warbaahinta Goobjoog ee magaalada Muqdisho.

7/29/2020 9:27 AM EST
Arbaco, Luulyo 29, 2020 (HOL) - Kullan la xiriira heerka howlgalka Barnaamijka Baxnaano ee Dowladda Soomaaliya ay ku taageerrayso Bulshada nugul iyo saameynta uu Ayaxa u geystay qoysaska Koonfurgalbeed ayaa maanta ka dhacay xarunta madaxtooyadda Dowlad-gobolleedka Koonfurgalbeed ee magaalada Baydhabo,ka dib markii uu galinkii dambe ee shalay gaaray Baydhabo wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya, Mudane Sadiq Xirsi Warfa.

7/29/2020 8:31 AM EST
Arbaco, Luulyo 29, 2020 (HOL) - Wasiirka dekedaha Puntland Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino) ayaa maanta shaaciyay in shirkadda DP-world aysan wax shaqo ah ka qabanin tan iyo markii ay la wareegtay maamulka dekeda Bosaso sanadkii 2017.

7/29/2020 7:33 AM EST
Arbaco, Luulyo 29, 2020 (HOL) - Bangiga Horumarinta Afrika (AFDB) ayaa ansaxiyay $ 25M oo loogu tala galay Soomaaliya, si kor loogu qaado dadaalada miisaaniyadeed ee qaran si loo yareeyo saameynta qaranka ee masiibada Covd19.

7/29/2020 3:26 AM EST
Arbaco, Luulyo 29, 2020 (HOL) - Guddoomiyaha Baarlamanka Galmudug Dr.Maxamed Gacal iyo xildhibaanno kasoo horjeeday oo ka gadoodsanaa mushaar la'aan muddo dhowr bilood ah haaysatay ayaa xalay heshiis ku gaaray magaalada Dhuusamareeb.

7/29/2020 2:43 AM EST
Arbaco, Luulyo 29, 2020 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kulan xalay ay ku yeesheen magaalada Muqdisho Guddoonka Baarlamanka dalka iyo hoggaamiyayaasha madasha xisbiyada qaran ee mucaaradka ah . Waxayna wararku sheegayaan in laga hadlay xaaladda kala guurka ah ee Soomaaliya iyo hannaankii loo maareyn lahaa.

7/29/2020 2:34 AM EST
Arbaco, Luulyo 29, 2020 (HOL) - Barlamaanka dowlad goboleedka Puntland ayaa maanta oo arbaco ah ka doodaya heshiiska shirkadda DP –world kula wareegtay dekeda magaalada Bosaso.

7/29/2020 2:29 AM EST
Arbaco, Luulyo 29, 2020 (HOL) - Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa waxay maanta go’aan ka gaareysaa kiiska weriye Cabdicasiis Axmed Gurbiye oo ah agaasime ku xigeenka warbaahinta Goobjoog ee magaalada Muqdisho.

7/29/2020 2:26 AM EST
Arbaco, Luulyo 29, 2020 (HOL) - Wasaaradda arrimaha gargaarka iyo maaraynta masiibooyinka ee dowladda Soomaaliya, ayaa shaacisay khasaare nafeed oo ka dhashay Roobab dabeylo watay oo ku dhuftay xeebaha koonfureed ee Soomaaliya.