4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 28, 2020
Mudane ka tirsan Baarlamaanka Galmudug oo geeriyooday
 

Talaado, Luulyo 28, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Allaha U Naxariistee Xildhibaan Axmed Shiikh Yuusuf “Galti” oo ka tirsanaa Golaha Baarlamanka Galmudug oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Xildhibaanka ayaa xaaladdiisa lagu baxnaaninayay mid kamid ah cusbitaallada ku yaalla Muqdisho sida ay warbaahinta u sheegeen xubno kamid a Baarlamanka Maamulka maamulkaasi ka tirsan.

Dhimashada Xildhibaan Axmed Shiikh Yuusuf “Galti” ayaa waxaa xaqiijiyay guddoonka Baarlamanka maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

Maxadaxweyne Axmed Cabdi Kaariye “Qoor-qoor” oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay geerida xildhibaanka dhintay, wuxuuna Alle ugu baryay inuu u naxariisto.

“Waxaan tacsi u dirayaa qoyska iyo ehelada uu ka baxay Allaha U Naxariistee Xildhibaan Axmed Shiikh Yuusuf “Galti” xildhibaanka wuxuu kamid ahaa mudanayaashii Baarlamanka 2-aad ee Galmudug” ayuu ku yiri war uu soo saaray madaxweynaha Galmudug.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]