4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 27, 2020
Dowladda Soomaaliya oo u jawaabtay beesha caalamka
 

Isniin, Luulyo 27, 2020 (HOL) - Golaha wasiirrada Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadlay hadalkii kasoo baxay beesha caalamka oo ku saabsanaa sidii ay uga fal-celiyeen kalsooni kala noqoshadii lagu sameeyay xukuumaddii uu hoggaaminayay ra'iisul wasaarahii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir "Maareeye" ayaa waxa uu sheegay in beesha Caalamka ay la yimaadaan usluub wanaagsan oo ay kusoo bandhigayaan aragtidooda,  islamarkaana ay isticmaalaan han diblumaasiyadda ku qurux badan.

"Waan soo dhoweyneynaa taageerada beesha Caalamka,  laakiin waa iney ilaaliyaan madax bannaanida dalka iyo go'aannada hay'adaha dastuuriga ah" ayuu yiri wasiir Maareeye.

Dhinaca kale sii hayaha xilka ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa waxa uu kusoo qoray Twitter-kiisa qoraal uu si toos ah farriin ugu dirayo beesha Caalamka.

"Waxaan soo dhoweyneynaa taageerada beesha caalamka,  laakiin Golaha wasiirradu waxay isla garteen iney muhiim tahay ilaalinta madax bannaanida dalka " ayuu Guuleed ku yiri qoraalkiisa.

Beesha caalamka ayaa waxay soo saareen warbixinno ay ku dhaliileen kalsooni kala noqoshadii Baarlamanka uu ku sameeyay sabtidii, xukuumaddii uu hoggaaminayay ra'iisul wasaarahii hore Xasan Cali Kheyre.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]