3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 26, 2020
Barlamaanka Puntland oo laalay heshiiska ay ku xiran yihiin maxaabiista burcadbadeeda ee ku xiran xabsiga Garowe

Axad, Luulyo 26, 2020 (HOL) - Baarlamaanka Puntland ayaa maanta laalay sharciyadda ay ku xiran yihiin maxaabiis burcadbadeednimo loo haysto oo tan iyo 2013 ku xiran xabsiga dhexe ee magaalada Garowe ee caasimadda maamul goboleedka Puntland.

Barlamaanku waxay laaleen heshiis udhexeeyay Puntland iyo jasiiradda Sycheles, kaasoo ku saabsanaa arimaha burcadbadeeda waxayna sidoo kale guddi u saareen sidii maxaabiista burcadbadeeda loosii dayn lahaa.

37 ayaa mudane ayaa codkooda ku taageeray in maxaabiista xabsiga lagasii daayo. Labo xildhibaan ayaa kasoo horjeestay, halka labo kalena ay ka aamuseen.

Maxaabiistaan ayaa lagasoo wareejiyay jasiiradda Sycheles halkaas oo lagu maxkamadeeyay, kadib sanado ay xirnaayeen waxaa loosoo wareejiyay Soomaaliya gaar ahaan Puntland si ay ixukunadooda ku dhameystaan.

Xildhibaanada oo maalmihii ugu dambeeyay ka doodayay xirnaanshaha maxaabiista ayaa u yeeray wasiirka cadaalada Puntland, xeer ilaaliyaha guud iyo dhammaan taliyayaasha ay qusayso arrintooda waxayna weydiiyeen sababta keentay in muddada intaas le’eg wax la iska weydiin waayo xirnaanshahooda.

Qaar kamid ah xildhibaanada ayaa ku dooday in magdhow lasiiyo maxaabiista burcadbadeedan, waxayna sheegeen inaan masuuliyad la iska saarin sharciyadda xirnaanshahooda lana marsiinin hay’addaha garsoorka iyo sharci dajinta.

Maxaabiista ayaa ku xidhan Puntland ayaa u badan kuwa kasoo kala jeeda Puntland iyo Galmudug, waxaana socda qorshe ka dhaxeeya Galmudug iyo Puntland oo ah in maxaabiista Galmudug loo wareejiyo degaanadooda ama in lasii daayo

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
7/26/2020 8:01 PM EST
Qadka internet-ka ee inta badan koonfurta Soomaaliya ayaa jarnaa Axaddii, sida ay sheegeen dad nala soo xiriiray oo ku nool gudaha Soomaaliya iyo kooxo madax-bannaan oo isku howla arrimaha Xuquuqda Dijitaalka, amniga iyo maamulka internetka.

7/26/2020 5:31 PM EST
Axad, Luulyo 26, 2020 (HOL) - Midowga Yurub ayaa sharci-darro ku tilmaamay nidaamkii loo maray kalsooni kala-noqoshadii xukuumadddi Ra'iisul wasaare Xassan Cali Khayre,....

7/26/2020 11:51 AM EST
Axad, Luulyo 26, 2020 (HOL) - Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf Aadan oo ah guddoomiyaha madasha xisbiyada midoobay ee Hiigsi ayaa soo dhoweysay xil ka qaadistii raysal Wasaare Xasan Cali Kheyre iyo xukuumadiisa oo uu shalay barlamaanka riday.

7/26/2020 3:17 AM EST
Axad, Luulyo 26, 2020 (HOL) - Safaaradda Mareykanka ayaa walaac xoogan ka muujisay ficilladii Aqalka Hoose ee baarlamaanka ay meesha uga saareen kalsoonidii ay ku qabeen Ra'iisul Wasaare Cali Xasan Khayre iyo dowladdiisa, taasoo sii kordhisay xiisada siyaasadeed isla markaana wiiqeysa hanaankii wadahadalka ee u dhexeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowladaha xubinta ka ah Federaalka iyo daneeyayaasha kale ee muhiimka ah.