3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 2 , 2020
Beesha Carab Soomaali oo Muqdisho ku qabatay kulan ay ku raadsanayso matalaadooda gobolka Banaadir


Khamiis, July 2, 2020 (HOL) - Beesha Carab Soomaali oo kamid ah beelaha Soomaaliyeed ayaa kulan ay magaalada Muqdisho ku qabteen waxay kaga arrinsadeen sidii beeshu u raadsan lahayd xuquuqda siyaasadeed ee kaga maqan dowladda federalka iyo maamulada.

Kulankaan oo ay soo qaban qaabiyeen hoggaanka dhaqanka ee Beesha islamarkaana ay ka qeyb galeen qeybaha kala duwan ee bulshada waxay beeshu kusoo dhoweysay insixinta barlamaanka Soomaaliya uu ansixiyay kuraasta aqalka sare ee matalaada gobolka Banaadir.

War-murtiyeed lagasoo saaray kulanka ayaa barlamaanka looga mahad celiyay inay ka jawaabeen codsigii madaxweynaha Soomaaliya ee ahaa in gobolka Banaadir uu ka helo aqalka sare matalaad dhab ah.

Beesha waxay ku baaqday in si cadaalad ah loo qeybiyo 13-ka kursi islamarkaana ay xuquuqdooda matalaad helaan beelaha ku dulman aqalka sare oo ay kamid tahay beesha Carab Soomaali.

Beesha waxay madaxda dalka iyo guddoonka labada aqal ka codsadeen inay si dhow ula socdaan xuquuqsiinta beelaha haatan ku dulman matalaada siyaasadeed ee gobolka Banaadir.

Waxay farriin gaar ah udireen guddoomiyaha gobolka Banaadir iyagoo sheegay inay tabanayaan xuquuq badan oo kaga maqan gobolka, haday ahaan lahayd degmooyinka gobolka iyo agaasimayaasha. Waxay sidoo kale beesha ka codsatay madaxweynaha Soomaaliya iyo raysal wasaaraha in lasoo celiyo xuquuqdoodii golaha fulinta.

Xildhibaan Cabdicasiis Salaax Carmaan oo kamid ah xildhibaanada beesha Carab Soomaali ku matala aqalka hoose oo kulanka uga qeyb galay qadka taleefoonka, ayaa taageeray mowqifka beesha ee raadinta xuquuqda siyaasadeed ee ka maqan, wuxuuna madaxweynaha iyo golaha shacabka uga mahad celiyay in ay ku guulaysteen in Muqdisho matalaad hesho.

Xildhibaan Carmaan wuxuu sheegay in ay beeshiisu xaq uleedahay in ay wax ka hesho kuraasta aqalka sare ee gobolka Banaadir .

Abdisalan Nur Dirie , Hiiraan Online












Click here
7/2/2020 12:41 PM EST
Khamiis, July 2, 2020 (HOL) - Taallo loo dhisay hoggaamiyihii hore ee Itoobiya Haile Selessie oo ku taallay magaalada London ayaa waxaa burburiyay dad asal ahaan kasoo jeeday waddanka Itoobiya.

7/2/2020 5:59 AM EST
Khamiis, July 2, 2020 (HOL) - Bangiga horumarinta Afrika ADF ayaa waxaa lagu qoray mareegta uu dhinaca Internetka ku leeyahay in waddamo dhowr ah oo Afrikaan ah islamarkaana ay Soomaaliya qeyb ka tahay loo fasixi doono lacago badan oo loogu tala-galay wax ka qabashada xanuunka COVID-19.

7/2/2020 5:49 AM EST
Khamiis, July 2, 2020 (HOL) - Wax-garad, xildhibaanno iyo siyaasiyiin kasoo jeedo Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug ayaa waxay gaareen deegaanno ka tirsan maamulkaasi oo maalmihii lasoo dhaafay ay ka dhacayeen dagaallo sokeeye oo u dhexeeyay laba maleeshiyo beeleed oo walaalo ah.

7/2/2020 4:15 AM EST
Khamiis, July 2, 2020 (HOL) - Ugu yaraan 80 qof ayaa lagu diley gobolka Oromada ee Itoobiya oo ay ka socdaan mudaharaadyo kadib dilkii foosha xumaa ee loo geystey heesaha caanka ah.

7/2/2020 3:57 AM EST
Khamiis, July 2, 2020 (HOL) - In ka badan 70,000 oo dad ah, oo badidoodu ay ku barakaceen gudaha dalka, ayaa si khasab ah looga saaray guryahooda ku yaal Somalia, Ethiopia iyo Kenya, iyadoo lagu jiray bilaha ugu badan ee cudurka Covid-19, sida lagu sheegay warbixin cusub oo ay soo saartay Golaha Qaxootiga Norway.

7/2/2020 12:40 AM EST
Khamiis, July 2, 2020 (HOL) - Mareykanka ayaa isku diyaarinaya inuu soo rogo cunaqabateyn muddo dheer ah oo lagu ciqaabayo saraakiisha sarsare ee Shiinaha oo loo haysto xadgudubka xuquuqul insaanka ee ka dhanka ah muslimiinta gobolka Xinjiang.

7/2/2020 12:27 AM EST
Khamiis, July 2, 2020 (HOL) - Shabakada Awoodsiinta Naafada Soomaaliyeed ee SODEN ayaa cambaaraysay dilkii naxariis darada ahaa ee loo geystey gudoomiyihii kooxaha naafada ah ee Baydhabo, Shariif Mukhtaar oo ahaa nin curyaamiinta kamid ah.