4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 2 , 2020
Dalka Ingiriiska oo lagu burburiyay taallo loo dhisay hoggaamiyihii hore Itoobiya Haile Selessie
 

Khamiis, July 2, 2020 (HOL) - Taallo loo dhisay hoggaamiyihii hore ee Itoobiya Haile Selessie oo ku taallay magaalada London ayaa waxaa burburiyay dad asal ahaan kasoo jeeday waddanka Itoobiya.

Booliska galbeedka London ayaa billaabay baaritaan ku aaddan falkaasi.

Burburinta taalladaas waxaa la sheegay iney ka qeyb qaateen qiyaas ahaan 100 sida ay sheegeen goobjoogayaal.

Arrintaan ayaa la xiriirta xaaladda qasan iyo deganaan la'aanta ka taagan Itoobiya,  taas oo ka dhalatay dilkii loo geystay heesaagii Oromada kasoo jeeday ee qeybta ka ahaa isbedalkii ka dhacay dalkaas

Dadka deegaanka ay ku taallay taallada ayaa wakaaladda Wararka ee AP u sheegay iney arkayeen dad badan oo dhammaantood rag ah ay yimaadeen goobta taalladaas ay ku taal,  kadibna ay burburin ugu dhaqaaqeen.

Haile Selessie ayaa waxa uu ahaa hoggaamiye dalka Itoobiya soo xukumi jiray,  waxa uuna ahaa maamulkiisa mid boqortooyo ah. Laakiin qowmiyadda Oromada ayaa u aragta mid ku dulmaneyd hoggaamintiisa.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]