5/14/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 2 , 2020
Mareykanka oo cunaqabateyn waqti dheer u diyaarinaya Shiinaha arrimaha ku saabsan tacadiyada Muslimiinta


 

Khamiis, July 2, 2020 (HOL) - Mareykanka ayaa isku diyaarinaya inuu soo rogo cunaqabateyn muddo dheer ah oo lagu ciqaabayo saraakiisha sarsare ee Shiinaha oo loo haysto xadgudubka xuquuqul insaanka ee ka dhanka ah muslimiinta gobolka Xinjiang.

Cunaqabateyntu waxay u badan tahay inay bartilmaameedsato mas'uuliyiinta Xisbiga Shuuciga ee mas'uulka ka ah gudaha iyo cadaadinta dadka laga tirada badan yahay ee Xinjiang, sida ay dadku sheegeen, inkasta oo ay diideen inay sheegaan cidda sida gaarka ah loo tixraacayo ama goorta xayiraadda lagusoo rogidoono.

Cunaqabateynta ayaa horey dib loogu dhigay wadahadalada ganacsiga Mareykanka iyo Shiinaha, laakiin Madaxweyne Donald Trump ayaa bishii hore saxiixay sharci isaga ka dhigaya in uu ciqaabo saraakiisha masuulka ka ah dulmiga lagu hayo muslimiinta Uighurs iyo kooxaha kale ee laga tirada badan yahay ee Shiinaha.

Xiriirka Mareykanka iyo Shiinaha ayaa si xun u xumaaday bilihii la soo dhaafay tan iyo markii heshiiska wejiga koowaad la saxiixay. Mas'uuliyiinta maamulka Trump waxay isla waqtigaas kor u qaadeen dhaleecaynta ay u jeedinayaan Xisbiga Shuuciga Shiinaha ee ku saabsan tacaddiyada xuquuqul insaanka iyo nabaad-guurka xorriyadda siyaasadeed ee Hong Kong.

Toddobaadkan horaantiisii, wakaaladda wararka ee Associated Press waxay soo werisay in Shiinaha ay kumanaan kun oo haween oo kasoo jeeda Uighur ah iyo kuwa laga tiro badan yahay lagu qasbay in ay si aan caadi ahayn iskagasoo ridaan ilmaha calooshooda ku jira, si hoos loogu dhigo heerka dhalashada ee Xinjiang.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]











Click here
7/2/2020 1:05 PM EST
Khamiis, July 2, 2020 (HOL) - Beesha Carab Soomaali oo kamid ah beelaha Soomaaliyeed ayaa kulan ay magaalada Muqdisho ku qabteen waxay kaga arrinsadeen sidii beeshu u raadsan lahayd xuquuqda siyaasadeed ee kaga maqan dowladda federalka iyo maamulada.

7/2/2020 12:41 PM EST
Khamiis, July 2, 2020 (HOL) - Taallo loo dhisay hoggaamiyihii hore ee Itoobiya Haile Selessie oo ku taallay magaalada London ayaa waxaa burburiyay dad asal ahaan kasoo jeeday waddanka Itoobiya.

7/2/2020 5:59 AM EST
Khamiis, July 2, 2020 (HOL) - Bangiga horumarinta Afrika ADF ayaa waxaa lagu qoray mareegta uu dhinaca Internetka ku leeyahay in waddamo dhowr ah oo Afrikaan ah islamarkaana ay Soomaaliya qeyb ka tahay loo fasixi doono lacago badan oo loogu tala-galay wax ka qabashada xanuunka COVID-19.

7/2/2020 5:49 AM EST
Khamiis, July 2, 2020 (HOL) - Wax-garad, xildhibaanno iyo siyaasiyiin kasoo jeedo Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug ayaa waxay gaareen deegaanno ka tirsan maamulkaasi oo maalmihii lasoo dhaafay ay ka dhacayeen dagaallo sokeeye oo u dhexeeyay laba maleeshiyo beeleed oo walaalo ah.

7/2/2020 4:15 AM EST
Khamiis, July 2, 2020 (HOL) - Ugu yaraan 80 qof ayaa lagu diley gobolka Oromada ee Itoobiya oo ay ka socdaan mudaharaadyo kadib dilkii foosha xumaa ee loo geystey heesaha caanka ah.

7/2/2020 3:57 AM EST
Khamiis, July 2, 2020 (HOL) - In ka badan 70,000 oo dad ah, oo badidoodu ay ku barakaceen gudaha dalka, ayaa si khasab ah looga saaray guryahooda ku yaal Somalia, Ethiopia iyo Kenya, iyadoo lagu jiray bilaha ugu badan ee cudurka Covid-19, sida lagu sheegay warbixin cusub oo ay soo saartay Golaha Qaxootiga Norway.

7/2/2020 12:27 AM EST
Khamiis, July 2, 2020 (HOL) - Shabakada Awoodsiinta Naafada Soomaaliyeed ee SODEN ayaa cambaaraysay dilkii naxariis darada ahaa ee loo geystey gudoomiyihii kooxaha naafada ah ee Baydhabo, Shariif Mukhtaar oo ahaa nin curyaamiinta kamid ah.