4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 16, 2020
Maareeyihii hay’adda Is-gaarsiinta Qaranka Soomaaliya oo is-casilay
 

Khamiis, Luulyo 16, 2020 (HOL) - Maareeyihiii hay’adda is-gaarsiinta qaranka Soomaaliya Cabdi Shiikh Axmed ayaa iska casilay xilkii oo uu muddo laba sano ah uu soo hayay.

Sida ku cad warqad kasoo baxday xafiiska wasiirka wasaaradda is-gaarsiinta iyo teknoolajiyada Eng. Cabdi Canshuur Xasan waxaa hadda xilkaasi si KMG ah loogu magacaabay ku xigeenka maareeyaha hay’addaasi Cabdullaahi Shiikh Cabdicasiis.

Maareeyaha xilka ka tegay Cabdi Shiikh Axmed ayaa waxa uu qoray warqadda is-casilaadda ah ee uu shaqada uga tegay 14-kii, Luuliyo,2020-ka. Warqadiisa iscasilaadda ayuu ku sheegay Cabdi Sheikh in uu xilka isaga casilay, kadib kala aragti duwanaashiyo soo kala dhex-gashay isaga iyo wasiir Canshuur.
 
Hay’adda Is-gaarsiinta Qaranka ayaa waxay tahay waax muhiim oo la falgasha shirkadaha is-gaarsiinta.
 
Halkaan hoose ka aqrsio lixda (6) qodob ee uu cuskaday iscasilaadiisa:
 




Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]