4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 16, 2020
Puntland oo ka hor timid go'aan kasoo baxay dowladda federalka Soomaaliya
 

Khamiis, Luulyo 16, 2020 (HOL) - Puntland ayaa sheegtay in aysan ku dhaqmidoonin amar kasoo baxay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya, oo ah in cid walba oo dalka ka dhoofaysa ay shahaadada  Covid19 ka qaadan karaan oo kaliya garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Wasaaraddu waxay sheegtay cidii meel kale kasoo qaadata shahaadadaas oo ah mid caddeynaysa in qofku aanan qabin covid19, loo aqoonsandoono in ay tahay wax kama jiraan baal marsan hannaanka baarista Covid19.

Balse, qoraal kasoo baxay wasaaradda caafimaadka Puntland ayaa lagu sheegay in Puntland leedahay shaybaaro lagu baadho cudurka Covid19 islamarkaana cid walba oo Puntland ka duulaysa ay heli karto shahaadadaas.

Wasaaradda caafimaadka Puntland waxay sheegtay in ay magaalooyinka Garowe iyo Bosaso yaaliin shaybaaro caalamku aqoonsan yahay, sidaas darteedna uusan iyagu qusayn go’aanka dowladda federalka kasoo baxay.

Dhowaan, dalal badan oo deris la ah Soomaaliya iyo kuwa ka fogba waxaa dib u furayaan hawadooda, balse sharuudaha lagu xiray shirkaddaha duulimaadyada ayaa ah in cid aan sidan shahaadada baarista covid19, lasoo qaadi Karin.

Sidaas darteed, qof kasta oo Soomaaliya ka dhoofaya ayay qasab ku ahaandoontaa in uu qaato shahaadadaas caafimaad, taasina waxay keeni kartaa in qofku bixiyo qidmad uu ku dalbado.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]