4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 16, 2020
Xaliimo Yarey oo goor dhow gaartay magaalada Dhuusamareeb
 

Khamiis, Luulyo 16, 2020 (HOL) - Wafdi ay hoggaamineysa Guddoomiyaha Guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka qaranka Xaliimo Ismaaciil ayaa waxay gaareen magaalada Dhuusamareeb , halkaasi oo si weyn loogu soo dhoweeyay.

Wafdiga Xaliima Yarey iyo mas’uuliyiinta kale ee wehlinaya ayaa waxaa soo dhoweeyay xubno kamid ah maamulka Galmudug ee bartamaha Soomaaliya. Weli ma cadda qorshaha socdaalkeeda, laakiin waxaa halkaasi lagu wadaa iney ku kulmaan madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo hoggaamiyayaasha maamullada faderaalka qeybta ka ah.

Wax-yaabah shirkaas looga hadlayo waxaa kamid ah xaaladda kala guurka ah ee dalka iyo hannaanka la filayo iney noqoto doorashada dhammaadka sanadkan iyo horraanta sanadka soo socda ka dhici doonta dalka.

Xaliimo Yarey oo dhowaan wareysi siiyay VOA-da ayaa waxay mar kale sheegtay in la qaban karo doorasho qof iyo cod ah , haddii la siiyo waqtigii ay Baarlamanka aqalka hoose ka hor codsadeen Guddi ahaan, hase-ahaatee waxay xilligaasi soo dhoweysay go’aan kasta oo madaxda iyo daneeyayaasha siyaasadeed ee Soomaaliya ay ku heshiiyaan.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]