4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 16, 2020
Raysal wasaaraha Soomaaliya iyo madaxweynayaasha Hirshabelle iyo koonfur galbeed oo Garowe ku wajahan
 

Khamiis, Luulyo 16, 2020 (HOL) - Raysal Wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay kamid yihiin madaxweynayaasha koonfur galbeed iyo Hirshabelle ayaa lagu wadaa inay Garowe gaaraan si ay uga qeyb galaan aas qaran oo loo sameynayo raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax.

Maydka raysal wasaarihii hore ayaa lagasoo qaaday magaalada Muqdisho, halkaas oo loogusoo tukaday salaadii janaasada.

Raysal wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa kasoo kicitimay magaalada Dhuuso mareeb.

Qaban qaabada aaska qaran ayaa waxaa ay ka soconaysaa magaalada Garoowe, halkaas oo shalay sidoo kale aas loogu sameeyay madaxweynihii hore ee Puntland, marxuum Maxamed Cabdi Xaashi.

Marka la aaso meydka R/Wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa la filayaa in R/Wasaare Kheyre iyo madaxweyneyaasha maamul goboleedyada ay dib ugu soo laabtaan magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]