5/10/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 16, 2020
Xildhibaanno madaxweyne Farmaajo hor dhigay inuu caddeeyo mowqifkiisa dhinaca doorashada


 

Khamiis, Luulyo 16, 2020 (HOL) - In ka badan 100 mudane oo ka tirsan xildhibaannada dowladda Soomaaliya ayaa waxay xalay kulan albaabada u xiran la yeesheen madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo , iyaga oo ka codsaday inuu caddeeyo mowqifkiisa dhinaca doorashada .

Xildhibaannadan ayaa waxay soo jeediyeen ineysan suura-gal aheyn , in dalka uu aado doorasho dad ban, xilli Baarlamanka aqalka hoose uu horay u meel-mariyay xeerkii doorashooyinka dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xildhibaannada la wadaagay inuu tegayo magaalada Dhuusamareeb, islamarkaana uu talada kusoo celin doono wixii uu kala kulmo. Sida qaar kamid ah mudanyaashii ka qeyb-galay kulankii xalay ay HOL u sheegeen.

Kulanka madaxweynaha iyo xildhibaannada xalay ay ku yeesheen madaxtooyada qaranka ee Villa Somalia, ayaa  kusoo aadaya saacado uun kadib markii Guddoomiyaha Baarlamanka aqalka hoose Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan uu qaaddacay mid kamid ah qodobadii war-murtiyeedkii madaxda maamul Goboleedyada ee ah in Soomaaliya aysan ka dhici Karin doorasho qof iyo cod ah .

Xildhibaannada qaar ayaa waxay Hiiraan Online u sheegeen in kulankii madaxweyne Farmaajo ay la yeesheen uu kusoo idlaaday si wanaagsan, islamarkaana ay sugayaan waxa kasoo baxa shirka Dhuusamareeb ka dhici doona.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]











Click here
7/16/2020 4:32 PM EST
Khamiis, Luulyo 16, 2020 (HOL) - Maareeyihiii hay’adda is-gaarsiinta qaranka Soomaaliya Cabdi Shiikh Axmed ayaa iska casilay xilkii oo uu muddo laba sano ah uu soo hayay.

7/16/2020 2:18 PM EST
Khamiis, Luulyo 16, 2020 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa si kumeel gaar ah u xirtay duulimaadyadii garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaaladda Baledweyne.

7/16/2020 9:15 AM EST
Khamiis, Luulyo 16, 2020 (HOL) - Puntland ayaa sheegtay in aysan ku dhaqmidoonin amar kasoo baxay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya, oo in ah cid walba oo dalka ka dhoofaysa ay shahaadada Covid19 ka qaadan karaan oo kaliya garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

7/16/2020 8:44 AM EST
Khamiis, Luulyo 16, 2020 (HOL) - Wafdi ay hoggaamineysa Guddoomiyaha Guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka qaranka Xaliimo Ismaaciil ayaa waxay gaareen magaalada Dhuusamareeb , halkaasi oo si weyn loogu soo dhoweeyay.

7/16/2020 5:09 AM EST
Khamiis, Luulyo 16, 2020 (HOL) - Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goor dhowayd ka dagay garoonka diayaradaha ee Garowe, waxaana safarka ku wehliya madaxweynayaasha Koonfur galbeed iyo Hirshabeelle.

7/16/2020 3:06 AM EST
Khamiis, Luulyo 16, 2020 (HOL) - Raysal Wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay kamid yihiin madaxweynayaasha koonfur galbeed iyo Hirshabelle ayaa lagu wadaa inay Garowe gaaraan si ay uga qeyb galaan aas qaran oo loo sameynayo raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax.

7/16/2020 2:08 AM EST
Khamiis, Luulyo 16, 2020 (HOL) - Wararka laga helayo degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir ayaa waxay sheegayaan in rag hubeysay ay halkaasi ku dileen, wiil dhalinyaro ah oo kamid ah ardayda Jaamacadaha Muqdisho.

7/16/2020 1:52 AM EST
Khamiis, Luulyo 16, 2020 (HOL) - Diyaarad sidday maydka alle ha u naxariistee Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax ayaa goordhaw ka dagtay garoonka diyaaradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho.

7/16/2020 1:06 AM EST
Khamiis, Luulyo 16, 2020 (HOL) - Agaasimihii hore ee hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa waxa uu ka hadlay aragtidiisa ku aaddan, muhiimadda uu u leeyahay xaaladda kala guurka ah shirka la filayo iney dhowaan magaalada Dhuusamareeb ku yeeshaan madaxweynaha dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre iyo madaxda maamul goboleedyada ee waddanka.

7/16/2020 1:02 AM EST
Khamiis, Luulyo 16, 2020 (HOL) - Ra’iisul wasaaraha waddanka Tunisia Elyes Fakhfakh ayaa is-casilay sida lagasoo xigtay laba mas’uul oo sar-sare oo ka tirsan dowladda, islamarkaana diiday in warbaahinta ay magacyadooda isticmaasho. Waayadii dembe waxay aragti ahaan kala duwanaayeen xisbiga talada dalkaasi haya ee Ennahdha

7/16/2020 12:58 AM EST
Khamiis, Luulyo 16, 2020 (HOL) - Madaxa shirkad Gawaarida sameysa oo ku taalla dalka Algeria Mahieddine Tahkout, kana mid ahaa shakhsiyaadka ugu dhaqaalaha badan waddankaasi ayaa lagu xakumay 16 sano oo xarig ah , kadib markii lagusoo eedeeyay musuq-maasuq. Wuxuu saaxiib dhow la ahaa madaxweynihii dalkaasi ee xukunka laga tuuray Abdelaziz Bouteflika.