4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 16, 2020
Arday jaamacadeed oo lagu dilay degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir
 

Khamiis, Luulyo 16, 2020 (HOL) - Wararka laga helayo degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir ayaa waxay sheegayaan in rag hubeysay ay halkaasi ku dileen,  wiil dhalinyaro ah oo kamid ah ardayda Jaamacadaha Muqdisho.

Kooxaha dilka geystay ayaa isaga baxsaday goobta,  sida dad ku sugan degmadaas ay u xaqiijiyeen warbaahinta.

Wiilka la dilay oo lagu magacaabi jiray Cabdikaafi Aways Maxamed ayaa waxaa halkii lagu dilay Meydkiisa ka qaaday ciidamada ammaanka ee dowladda iyo eheladiisa.

Wuxuu ahaa arday,  ka baranayay culuumta caafimaadka mid kamid ah Jaamacadaha Muqdisho.  Waxaana wararka dilka wiilkaasi kasoo baxaya qaar ay sheegayaan dadka dilka geystay ay ahaayeen burcad dooneysay iney dhac u geystaan.

Abdiaziz Ahmed Barrow,  Hiiraan Online
[email protected]