3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 16, 2020
Sanbaloolshe “ madaxweyne Farmaajo waa nin meeshii uu ku dhego aan ka fuqin, doorasho qof iyo cod ahna xilligaan ma dhici karto”
 

Khamiis, Luulyo 16, 2020 (HOL) - Agaasimihii hore ee hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa waxa uu ka hadlay aragtidiisa ku aaddan, muhiimadda uu u leeyahay xaaladda kala guurka ah shirka la filayo iney dhowaan magaalada Dhuusamareeb ku yeeshaan madaxweynaha dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre iyo madaxda maamul goboleedyada ee waddanka.

Sanbaloolshe oo wareysi gaar ah siinayay telefashinka Goobjoog ee magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay inuu ka walaacsanyahay in madaxweynaha uusan daacad ka noqon ahdaafta shirkaasi loo qabanayo, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaa muhiim ah in shirkaasi iyo fursadda ku jirtaba looga faa’ideysto si wanaagsan, laakiin waxaan ognahay in madaxweyne Farmaajo meeshii uu ku dhagaba uusan ka fuqin” ayuu wareysigaasi ku yiri Cabdullaahi Sanbaloolshe.

Isagoo intaa ku daray in hadda aysan u muuqan in Soomaaliya la aadi karayo xilligaan doorasho qof iyo cod ah , taas oo ay ka gaabisay dowladda hadda joogto , sida uu ku sheegay wareysigii uu bixiyay.

Dhinaca kale, waxa uu soo hadal qaaday maqaal uu dhowaan ku qoray qaar kamid ah wargeysyada , isagoo ka jawaabay su’aal la hordhigay oo ku saabsaneyd waxyaabaha ku qasbay inuu dhaleeceeyo madaxweyne Farmaajo iyo Agaasimaha hay’adda sirdoonka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir . waxa uuna sheegay in arrimaha uu qoraalkaasi u sameeyay ay tahay isku milanka hay’addaasi iyo xafiisyada siyaasadda waddanka.

Sanbalooshe oo laba jeer agaasime kasoo noqday hay’adda NISA ayaa waxa uu sanadihii u dembeeyay kamid ahaa siyaasiyiinta sida weyn u dhaliilo dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Farmaajo.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
7/16/2020 4:32 PM EST
Khamiis, Luulyo 16, 2020 (HOL) - Maareeyihiii hay’adda is-gaarsiinta qaranka Soomaaliya Cabdi Shiikh Axmed ayaa iska casilay xilkii oo uu muddo laba sano ah uu soo hayay.

7/16/2020 2:18 PM EST
Khamiis, Luulyo 16, 2020 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa si kumeel gaar ah u xirtay duulimaadyadii garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaaladda Baledweyne.

7/16/2020 9:15 AM EST
Khamiis, Luulyo 16, 2020 (HOL) - Puntland ayaa sheegtay in aysan ku dhaqmidoonin amar kasoo baxay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya, oo in ah cid walba oo dalka ka dhoofaysa ay shahaadada Covid19 ka qaadan karaan oo kaliya garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

7/16/2020 8:44 AM EST
Khamiis, Luulyo 16, 2020 (HOL) - Wafdi ay hoggaamineysa Guddoomiyaha Guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka qaranka Xaliimo Ismaaciil ayaa waxay gaareen magaalada Dhuusamareeb , halkaasi oo si weyn loogu soo dhoweeyay.

7/16/2020 5:09 AM EST
Khamiis, Luulyo 16, 2020 (HOL) - Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goor dhowayd ka dagay garoonka diayaradaha ee Garowe, waxaana safarka ku wehliya madaxweynayaasha Koonfur galbeed iyo Hirshabeelle.

7/16/2020 3:06 AM EST
Khamiis, Luulyo 16, 2020 (HOL) - Raysal Wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay kamid yihiin madaxweynayaasha koonfur galbeed iyo Hirshabelle ayaa lagu wadaa inay Garowe gaaraan si ay uga qeyb galaan aas qaran oo loo sameynayo raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax.

7/16/2020 2:44 AM EST
Khamiis, Luulyo 16, 2020 (HOL) - In ka badan 100 mudane oo ka tirsan xildhibaannada dowladda Soomaaliya ayaa waxay xalay kulan albaabada u xiran la yeesheen madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo , iyaga oo ka codsaday inuu caddeeyo mowqifkiisa dhinaca doorashada .

7/16/2020 2:08 AM EST
Khamiis, Luulyo 16, 2020 (HOL) - Wararka laga helayo degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir ayaa waxay sheegayaan in rag hubeysay ay halkaasi ku dileen, wiil dhalinyaro ah oo kamid ah ardayda Jaamacadaha Muqdisho.

7/16/2020 1:52 AM EST
Khamiis, Luulyo 16, 2020 (HOL) - Diyaarad sidday maydka alle ha u naxariistee Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax ayaa goordhaw ka dagtay garoonka diyaaradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho.

7/16/2020 1:02 AM EST
Khamiis, Luulyo 16, 2020 (HOL) - Ra’iisul wasaaraha waddanka Tunisia Elyes Fakhfakh ayaa is-casilay sida lagasoo xigtay laba mas’uul oo sar-sare oo ka tirsan dowladda, islamarkaana diiday in warbaahinta ay magacyadooda isticmaasho. Waayadii dembe waxay aragti ahaan kala duwanaayeen xisbiga talada dalkaasi haya ee Ennahdha

7/16/2020 12:58 AM EST
Khamiis, Luulyo 16, 2020 (HOL) - Madaxa shirkad Gawaarida sameysa oo ku taalla dalka Algeria Mahieddine Tahkout, kana mid ahaa shakhsiyaadka ugu dhaqaalaha badan waddankaasi ayaa lagu xakumay 16 sano oo xarig ah , kadib markii lagusoo eedeeyay musuq-maasuq. Wuxuu saaxiib dhow la ahaa madaxweynihii dalkaasi ee xukunka laga tuuray Abdelaziz Bouteflika.