3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 1 , 2020
Madaxweyne Deni oo soo dhoweeyay baaqii kasoo baxay barlamaanka Puntland ee ahaa in uusan aadin shirka Muqdisho
 

Arbaco, July 1, 2020 (HOL) - Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo baaqii kasoo baxay barlamaanka Puntland ee ahaa in uusan ka qeyb galin shirka Muqdisho ka dhacaya.

Madaxweyne Deni ayaa caddeeyay inuu tixgalinayo talada barlamaanka Puntand.

Barlamaanka ayaa 29 bishii hore ee June soo saaray baaq ku saabsan in Puntand aysan ka qeyb galin shirka wadatashiga arrimaha doorashooyinka ee gogashiisa uu dhigay madaxweyne Farmaajo illaa inta laga saxayo waxay ugu yeereen ku xadgudubka loo geystay sharuucda dalka.

Deni wuxuu sheegay Soomaaliya in ay u baahan tahay in la badbaadiyo, isagoo sheegay dowladda federalku inay lugaha kula jirto khaladaad aan lagasoo garwaaqsan karin haddii aan si degdeg ah xal looga gaarin.

Madaxweyne Deni marnaba masoo hadal qaadin inay Puntland doonayso gooni isku taag ama inay midnimada Soomaaliya kala dhantaalayso, waxaana uu tilmaamay khilaafka Soomaaliya ka jira inuu yahay khikaaf siyaasi ah iyo mid dastuuri ah oo ay ka garnaqsanayaan.

Marka intaas lagasoo tago madaxweyne Deni wuxu sheegay inay socdaan qorshe lagu burburinayo aqalka sare iyo nidaamka federalisimka, wuxuuna yidhi,” Ififaalaha hadda socda waxaad moodaa in la baabi’nayo aqalkii sare, in la baabi’anyo federaaliisimka in la marooqsanayo taladii dalka. Waxaan rajeynayaa in shacabka Soomaaliyeed aysan mar baad ku qaldamin wixii dhacay 1969".

Hadalkaan ayuu madaxweynuhu ka sheegay xuska sanad guurada 60-aad ee kasoo wareegatay markii gobolada konfureed ay xurriyada ka qaateen gumaystihii Talyaaniga iyo midowgii koonfurta iyo waqooyiga Soomaaliya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
7/1/2020 5:05 AM EST
Arbaco, July 1, 2020 (HOL) - Munaasabad si heer sarre loo soo agaasimay oo loogu dabaal dagayay sanad guuradii 60 aad ee ka soo wareegtay markii xornimadda ay qaateen gobollada koofureed iyo midowgi labadda gobol ayaa xalay lagu qabtay magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

7/1/2020 3:49 AM EST
Arbaco, July 1, 2020 (HOL) - Senator Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, oo katirsan barlamaanka aqalka sare ee Soomaaliya, ayaa sheegay Muqdisho in aysan u baahnayn in daaraheeda burburay la qurxiyo, balse ay u baahan tahay in nabadeeda la qurxiyo.

7/1/2020 2:49 AM EST
Arbaco, July 1, 2020 (HOL) - Guddoomiyaha xisbi siyaasadeedka wadajir, siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay gobolka Banaadir in uusan u baahnayn Senatoro lasoo magacaabo, balse uu u baahan yahay golayaal degaan oo heer federal ah.