10/2/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 7 , 2020
Senatarada aqalka sare ee kasoo jeeda Puntland oo ka hor yimid meel marinta sharciga batroolka Soomaaliya
 

Talaado, Janaayo, 07, 2020 (HOL)- Senatarada aqalka sare ee kasoo jeeda Puntland ayaa sharci darro ku tilmaamay habkii aqalka sare uu u maray meelmarinta sharciga batroolka Soomaaliya.

Guddoomiye ku xigeenka guddiga kheyraadka qaranka, Senator Maxamuud Mashruuc ayaa sheegay in si fool xun loogu xadgudbay xeer hoosaadkii aqalka sare, ayna koox katirsan barlamaankooda kasoo shaqeeyeen in sharcigaas iyadoo aan laga tashan uu meel maro.

" Anigoo matalaya senatarada Puntland, waxaan halkaan ka caddeynayaa in aan sharcigaan kasoo horjeedno, maamulka aan kasoo jeedno ee Puntland isagana sidoo kale uu mowqifkaas nala qabo." ayuu yidhi senator mashruuc.

"Sharcigaan waa sharci lagu boobayo kheyraadka qaranka. Waa sharci wasiirka bartoolka kaligii u oggolaanaya inuu saxiixo heshiisyo bilyanis ku baxaya. Waa sharci oggolaanaya in shirkado qowlaysato ah lasiin karo baloogyo," ayuu hadalkiisa ku daray.

Senator Mashruuc ayaa tilmaamay in wasaaradda batroolka oo uu sheegay in ay saameyn ku lahayd sharcigaan meel marintiisa ay ku guulaysatay in mooshin lagasoo gudbiyo xubnihii ku doodayay in sharciga laga saaro meelaha uu ka dhaawacan yahay ee mugdiga galin kara kheyraadka ummadda Soomaaliyeed.

Wuxuu ugu baaqay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo in uusan saxiixin sharcigaan illaa lagu daro qodobadii guddiga kheyraadku soo saareen ee laga hor istaagay in lagu daro sida uu sheegay.

Barlamaanka aqalka hoose ee Soomaaliya ayaa sharcigaan horey u ansixiyay, waana sharcigii ugu horeeyay ee batroolka Soomaaliya lagu maamulayo tan iyo dowladdii dhexe, inkastoo aan la ogayn sida uu ku dhaqan galidoono sharcigaan oo hadda muran uu ka taagan yahay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here

1/7/2020 9:09 AM EST
Talaado, Janaayo, 07, 2020 (HOL)- Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa howlgalka Mareykanka ee Africom ayaa howlgal ay ka fuliyeen gobolka Jubbada hoose waxaa ay sheegeen in ay ku dileen xubno ka tirsan Ururka Al-shabaab

1/7/2020 7:24 AM EST
Talaado, Janaayo, 07, 2020 (HOL)- Maxkamada racfaanka Puntland ayaa maanta jebisay xukun dil ah oo horey loogu riday Ayuub Nuur Nuux oo ahaa madaxii amniyaadka Alshabaab ee magaalada Muqdisho, sida ay Puntland horey u shaacisay.

1/7/2020 4:46 AM EST
Talaado, Janaayo, 07, 2020 (HOL)- Safaaradda Mareykanka ee UAE ayaa maanta oo talaado ah soo saartay digniin dhinaca amniga ah, iyada oo uga digtay muwaadiniinteeda xiisadaha kacsan ee ka jira gobolka.

1/7/2020 4:31 AM EST
Talaado, Janaayo, 07, 2020 (HOL)- Sacuudi Carabiya ayaa ku dhawaaqay dhismaha gole ka kooban sideed waddan oo Carab iyo Afrikaan ah oo xaduud baddeed la wadaaga Badda Cas iyo Gacanka Cadan.

1/7/2020 2:14 AM EST
Talaado, Janaayo, 07, 2020 (HOL)- Saldhiga ciidamada ingiriiska ee Kenya ee la yiraahdo BATUK ayaa heegan buuxa la galiyay, kadib markii la xiray saddex nin oo u muuqday inay sahminayeen meelaha ugu fudud ee lagasoo weerari karo saldhigaas.

1/7/2020 1:52 AM EST
Talaado 7 Janayo 2020 (HOL)Naadiya Maxamaed ayaa shalay Isniintii loo dhaariyey xilka xubin golaha deegaanka ah,waxayna noqonaysaa qofkii ugu da’da yaraa iyo qofkii u horeeyay ee Muslim ah, qofkii ugu horeeyay ee madow ah iyo qofkii u horeeyay ee Soomaali ah oo xubin ka mid ah noqda golaha deegaanka ee xaafada dacalka ku haysa Minneapolis ee St Louis Park.

1/7/2020 1:21 AM EST
Talaado, Janaayo, 07, 2020 (HOL)-Degmada Dhuusa-Mareeb waxaa wali ka soconaya kulamo loogu gogol xaarayo sidii loo dadajin lahaa dhismaha Baarlamaanka Galmudug oo ilaa iyo hadda aan lagu dhawaaqin liiska xildhibaannada ka mid noqonaya marka laga soo tago 20 xildhibaan ee Ahlu Sunna Waljameeca.

1/7/2020 1:05 AM EST
Waxaa sanadkii lixaad loo kaxeeyey safar cumro iyo booqashada goobaha taariikhiga ah ee ku yaal magaalooyinka Makah iyo Madiino ardayda kaalimaha hore ka galay tartanka quraanka ee Imaam shaatibi ee sanadlaha ah ee lagu qabto gobolka Minnesota.

1/7/2020 12:05 AM EST
Talaado, Janaayo, 07, 2020 (HOL)- Maanta ayaa lagu waddaa in la aaso Meydka Jeneraal Qasem Suleimani oo madax ka ahaa ciidamada Quds ee Iran, kaas oo uu Mareykanka ku dilay duqeyn dhanka cirka ah.

1/7/2020 12:03 AM EST
Talaado, Janaayo, 07, 2020 (HOL)- Wasiirka Wasaarradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Axmed Ciise Cawad, ayaa ka qeybgalay Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda Golaha Wadamada Carabta iyo Africa ee ku yaalla Badda Cas iyo Gacanka Cadan oo ay martigelisay Boqortooyada Sacuudi Arabiya.