10/2/2022
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 7 , 2020
Soomaaliya oo wajaheysa khatar ku aaddan in ay lumiso maamulka hawadeeda

Talaado, Janaayo, 07, 2020 (HOL)-Hay'adda caalamiga ah ee duulista hawada, ICAO,  ayaa bixisay digniin haddii aan si degdeg ah loo helin sharci dhameystiran oo hay'adda duulista hawada Soomaaliya awood u siinaya inay sii haysato maamulka hawada dalkeeda.

Hay'adda ICAO waxay sheegtay haddii dowladdu ku guul daraysato sharcigaas in ay lumindoonto dedaalkii dheeraa ee loosoo galay la wareegista hawada Soomaaliya, ay waqti badan qaadandoonto dib usoo celinteeda.

Sharciga duulista hawada ayaa hadda horyaala barlamaanka aqalka sare, waxaana dhawaan meel mariyay golaha shacabka Soomaaliya.

"Hawadii waan lasoo wareegnay, laakiin sharcigii ma hayno, adduunka waad ogtihiin wax sharci la'aan la haysan karo ma jiraan. Waxaan qatar ugu jirnaa in maamulkii hawada uu dib ugu laabto gacanta qaramada midoobay." ayuu yidhi Agaasimaha Waaxda duulista Hawada Soomaaliya Axmed Macallim Xasan.

"Haddii sharcigaas la waayo Soomaaliya hawo helimayso, garoon Soomaaliyeed aqoonsi helimaayo, Soomaaliyana ma helayso sharciga xakameynta safarka hawada," ayuu hadalkiisa ku daray agaasimaha.

Wuxuu sheegay in tiir kamid ah qaranimada Soomaaliya uu halis ugu jiro in la waayo, sidaas daraadeed wuxuu ugu baaqay barlamaanka aqalka sare inay hakiyaan shaqooyinkooda kale ayna usoo jeestaan meel marinta sharcigaan

Hay’adda duulsita ayaa sheegtay sharciga duulimaadyada rayidka inuu dalka Soomaaliya u badbaadinayo malaayiin dollar oo sanad waliba ka luma dalka iyo kor uqaadida madax bannaanida hawo ee Soomaaliya.

Waxay hay'addu sheegtay sharcigaas haddii la meel mariyo in Soomaaliya dunida kula tartamayso macaamilka hawadeeda ayna ku helayso dhaqaale badan oo Soomaaliya ka caawinaya dib u dhiskeeda.

Soomaaliya ayaa laga sugayaa dhammaadka bishaan in ay caalamka ugudbiso sharciyadeeda duulista oo meel marsan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
1/7/2020 5:00 PM EST
Talaado, Janaayo, 07, 2020 (HOL)- Senatarada aqalka sare ee kasoo jeeda Puntland ayaa sharci darro ku tilmaamay habkii aqalka sare uu u maray meelmarinta sharciga batroolka Soomaaliya.

1/7/2020 9:09 AM EST
Talaado, Janaayo, 07, 2020 (HOL)- Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa howlgalka Mareykanka ee Africom ayaa howlgal ay ka fuliyeen gobolka Jubbada hoose waxaa ay sheegeen in ay ku dileen xubno ka tirsan Ururka Al-shabaab

1/7/2020 7:24 AM EST
Talaado, Janaayo, 07, 2020 (HOL)- Maxkamada racfaanka Puntland ayaa maanta jebisay xukun dil ah oo horey loogu riday Ayuub Nuur Nuux oo ahaa madaxii amniyaadka Alshabaab ee magaalada Muqdisho, sida ay Puntland horey u shaacisay.

1/7/2020 4:46 AM EST
Talaado, Janaayo, 07, 2020 (HOL)- Safaaradda Mareykanka ee UAE ayaa maanta oo talaado ah soo saartay digniin dhinaca amniga ah, iyada oo uga digtay muwaadiniinteeda xiisadaha kacsan ee ka jira gobolka.

1/7/2020 4:31 AM EST
Talaado, Janaayo, 07, 2020 (HOL)- Sacuudi Carabiya ayaa ku dhawaaqay dhismaha gole ka kooban sideed waddan oo Carab iyo Afrikaan ah oo xaduud baddeed la wadaaga Badda Cas iyo Gacanka Cadan.

1/7/2020 2:14 AM EST
Talaado, Janaayo, 07, 2020 (HOL)- Saldhiga ciidamada ingiriiska ee Kenya ee la yiraahdo BATUK ayaa heegan buuxa la galiyay, kadib markii la xiray saddex nin oo u muuqday inay sahminayeen meelaha ugu fudud ee lagasoo weerari karo saldhigaas.

1/7/2020 1:52 AM EST
Talaado 7 Janayo 2020 (HOL)Naadiya Maxamaed ayaa shalay Isniintii loo dhaariyey xilka xubin golaha deegaanka ah,waxayna noqonaysaa qofkii ugu da’da yaraa iyo qofkii u horeeyay ee Muslim ah, qofkii ugu horeeyay ee madow ah iyo qofkii u horeeyay ee Soomaali ah oo xubin ka mid ah noqda golaha deegaanka ee xaafada dacalka ku haysa Minneapolis ee St Louis Park.

1/7/2020 1:21 AM EST
Talaado, Janaayo, 07, 2020 (HOL)-Degmada Dhuusa-Mareeb waxaa wali ka soconaya kulamo loogu gogol xaarayo sidii loo dadajin lahaa dhismaha Baarlamaanka Galmudug oo ilaa iyo hadda aan lagu dhawaaqin liiska xildhibaannada ka mid noqonaya marka laga soo tago 20 xildhibaan ee Ahlu Sunna Waljameeca.

1/7/2020 1:05 AM EST
Waxaa sanadkii lixaad loo kaxeeyey safar cumro iyo booqashada goobaha taariikhiga ah ee ku yaal magaalooyinka Makah iyo Madiino ardayda kaalimaha hore ka galay tartanka quraanka ee Imaam shaatibi ee sanadlaha ah ee lagu qabto gobolka Minnesota.

1/7/2020 12:05 AM EST
Talaado, Janaayo, 07, 2020 (HOL)- Maanta ayaa lagu waddaa in la aaso Meydka Jeneraal Qasem Suleimani oo madax ka ahaa ciidamada Quds ee Iran, kaas oo uu Mareykanka ku dilay duqeyn dhanka cirka ah.

1/7/2020 12:03 AM EST
Talaado, Janaayo, 07, 2020 (HOL)- Wasiirka Wasaarradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Axmed Ciise Cawad, ayaa ka qeybgalay Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda Golaha Wadamada Carabta iyo Africa ee ku yaalla Badda Cas iyo Gacanka Cadan oo ay martigelisay Boqortooyada Sacuudi Arabiya.