4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 7 , 2020
Puntland oo ka laabatay xukun dil ah oo horey loogu riday madaxii amniyaadka Alshabaab ee magaalada Muqdisho
 

Talaado, Janaayo, 07, 2020 (HOL)- Maxkamada racfaanka Puntland ayaa maanta jebisay xukun dil ah oo horey loogu riday Ayuub Nuur Nuux oo ahaa madaxii amniyaadka Alshabaab ee magaalada Muqdisho, sida ay Puntland horey u shaacisay.

Ayuub Nuur Nuux, ayaa 29-kii Bishii july ee sanadkii hore, lagu xukumay dil toogasho kadib markii maxkamadu ay sheegtay inuu qirtay in uu dad badan ku laayay Muqdisho, qaar badana amarkiisa lagu dilay.

Balse, maxkamada racfaanka ayaa xukunkaas jebisay waxayna ku xukuntay Ayuub Nuur Nuux shan sano oo xabsi ah.

Ninkaan, ayaa kamid ahaa tiro maxaabiis isugu jirtay Shabaab iyo Daacish, kuwaas oo maanta maxkamada racfaanku qaar kamid ah xukunadoodii ay jebisay, halka qaar kalena ay ayiday.

Maxkamada ayaa aqbashay xukuno dil ah oo loogu riday Maxamed Xasan Baraka Xaarisa oo ahaa Miinayste Shabaab ah oo lagu qabtay dagaal ka dhacay Calmadow iyo Bishaar Maxamed Xasan, katirsanaa Daacish kana dambeeyay qaraxyo iyo dilka askar iyo saraakiil lagu qaarijiyay Bosaso.

Halkaan hoose ka akhriso dhammaan dadka la xukumay.

C/raxiin Maxamed Faarax Dil toogasho

Bishaar Maxamed Xasan   Dil toogasho

Maxamed Xasan Baraka    Dil toogasho

Maxamuud Maxamed Ibraahim xabsi daa'in

Aadan Siidow Maxamed  15 sano oo xabsi ah

Isaaq Muqtaar Maxamed  15 sano oo xabsi ah

Nuurow Aadan Maxamed 15 sano oo xabsi ah

Cabdifitaax Axmed Faarax 5 sano oo xabsi ah

Ayuub Nuur Nuux                  5 sano o xabsi

Cabdirisaaq Siciid Xasan           3 sano oo xabsi ah

Saleebaan Maxamuud Rooble 2 sano oo xabsi ah

Cabduqaadir Cismaan Cabdi   2 sano oo xabsi ah

C/raxmaan Maxamuud Xasan 2 sano oo xabsi ah.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]