9/25/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 7 , 2020
Saldhigga ciidamada Ingriiska ee Kenya oo heegan sare la galiyay
 

Talaado, Janaayo, 07, 2020 (HOL)- Saldhiga ciidamada ingiriiska ee Kenya ee la yiraahdo BATUK ayaa heegan buuxa la galiyay, kadib markii la xiray saddex nin oo u muuqday inay sahminayeen meelaha ugu fudud ee lagasoo weerari karo saldhigaas.

Saddexda qof oo looga shakisan yahay inay katirsan kooxda Alshabab ayaa kasoo muuqday kaamerada qarsoon ee ku xiran xerada ciiddanka, xilli ay isku dayayeen inay sawirro ka qaataan marinada saldhiga.

Qabashada raggaan ayaa kusoo beegmaysa maalmo kadib markii la wareeray xerada ciidamada isku dhafka ah ee Kenya iyo Maraykanka, halkaas oo Alshabab waxyeelo culus ka geysteen.

BATUK, waa Saldhig qaabilsan tababarka ciidamada Ingiriiska ee Kenya waxaana uu  kuyaala gobolka Laikipia.

Raggaan la xiray ayaa macluumaadkooda lala wadaagay ciidamada Kenya, waxaana la baarayaa inay yihiin kuwo lagu raad joogay oo maleegayay weeraro argigixso oo ka dhaca Kenya.

Kenya ayaa heegan sare ku jirta iyada oo kooxda Al-Shabaab ay u muuqato in ay bilawday weeraro abaabulan oo ay ku soo qaadayaan hawlgallada ka socda xeraha kala duwan ee ku yaal gobolka Lamu.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
1/7/2020 5:00 PM EST
Talaado, Janaayo, 07, 2020 (HOL)- Senatarada aqalka sare ee kasoo jeeda Puntland ayaa sharci darro ku tilmaamay habkii aqalka sare uu u maray meelmarinta sharciga batroolka Soomaaliya.


1/7/2020 9:09 AM EST
Talaado, Janaayo, 07, 2020 (HOL)- Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa howlgalka Mareykanka ee Africom ayaa howlgal ay ka fuliyeen gobolka Jubbada hoose waxaa ay sheegeen in ay ku dileen xubno ka tirsan Ururka Al-shabaab

1/7/2020 7:24 AM EST
Talaado, Janaayo, 07, 2020 (HOL)- Maxkamada racfaanka Puntland ayaa maanta jebisay xukun dil ah oo horey loogu riday Ayuub Nuur Nuux oo ahaa madaxii amniyaadka Alshabaab ee magaalada Muqdisho, sida ay Puntland horey u shaacisay.

1/7/2020 4:46 AM EST
Talaado, Janaayo, 07, 2020 (HOL)- Safaaradda Mareykanka ee UAE ayaa maanta oo talaado ah soo saartay digniin dhinaca amniga ah, iyada oo uga digtay muwaadiniinteeda xiisadaha kacsan ee ka jira gobolka.

1/7/2020 4:31 AM EST
Talaado, Janaayo, 07, 2020 (HOL)- Sacuudi Carabiya ayaa ku dhawaaqay dhismaha gole ka kooban sideed waddan oo Carab iyo Afrikaan ah oo xaduud baddeed la wadaaga Badda Cas iyo Gacanka Cadan.

1/7/2020 1:52 AM EST
Talaado 7 Janayo 2020 (HOL)Naadiya Maxamaed ayaa shalay Isniintii loo dhaariyey xilka xubin golaha deegaanka ah,waxayna noqonaysaa qofkii ugu da’da yaraa iyo qofkii u horeeyay ee Muslim ah, qofkii ugu horeeyay ee madow ah iyo qofkii u horeeyay ee Soomaali ah oo xubin ka mid ah noqda golaha deegaanka ee xaafada dacalka ku haysa Minneapolis ee St Louis Park.

1/7/2020 1:21 AM EST
Talaado, Janaayo, 07, 2020 (HOL)-Degmada Dhuusa-Mareeb waxaa wali ka soconaya kulamo loogu gogol xaarayo sidii loo dadajin lahaa dhismaha Baarlamaanka Galmudug oo ilaa iyo hadda aan lagu dhawaaqin liiska xildhibaannada ka mid noqonaya marka laga soo tago 20 xildhibaan ee Ahlu Sunna Waljameeca.

1/7/2020 1:05 AM EST
Waxaa sanadkii lixaad loo kaxeeyey safar cumro iyo booqashada goobaha taariikhiga ah ee ku yaal magaalooyinka Makah iyo Madiino ardayda kaalimaha hore ka galay tartanka quraanka ee Imaam shaatibi ee sanadlaha ah ee lagu qabto gobolka Minnesota.

1/7/2020 12:05 AM EST
Talaado, Janaayo, 07, 2020 (HOL)- Maanta ayaa lagu waddaa in la aaso Meydka Jeneraal Qasem Suleimani oo madax ka ahaa ciidamada Quds ee Iran, kaas oo uu Mareykanka ku dilay duqeyn dhanka cirka ah.

1/7/2020 12:03 AM EST
Talaado, Janaayo, 07, 2020 (HOL)- Wasiirka Wasaarradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Axmed Ciise Cawad, ayaa ka qeybgalay Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda Golaha Wadamada Carabta iyo Africa ee ku yaalla Badda Cas iyo Gacanka Cadan oo ay martigelisay Boqortooyada Sacuudi Arabiya.