4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 7 , 2020
Gabar 23 Jira oo Soomaali ah oo loo dhaariyey Xubin golaha Deegaanka ST Louis Park Minnesota.



Talaado 7 Janayo 2020 (HOL)Naadiya Maxamaed ayaa shalay Isniintii  loo dhaariyey xilka xubin golaha deegaanka ah,waxayna noqonaysaa qofkii ugu da’da yaraa iyo qofkii u horeeyay ee Muslim ah, qofkii ugu horeeyay ee madow ah iyo qofkii u horeeyay ee Soomaali ah oo xubin ka mid ah noqda golaha deegaanka ee xaafada dacalka ku haysa Minneapolis ee St Louis Park.

Dadwaynaha dagan xafadaa ayaa aad u soo dhaweeyey doorashada Naadiya oo dhacday bishii Nofenbar 2019, shalay dhaarinteediina dadka Soomaaliyeedee dagan xafadaa ayaa aad ugu farxsanaa kulankana  ka soo qaybgalay.

Doorashada Naadiya oo 23 jir ah waxay dhiiragalin u tahay dhalinta Soomaali Americanka ee ku dhaqan dalkaan inay qayb ka qaadan karaan siyaasada golayaasha kala duwan ee gobolkaan.

Haboon Abdulle oo madax ka ah ururka Women Organizing Women (WOW) ayaa HOL u sheegtay in guul ay u tahay Gabdhaha Soomaaliyeed tusaalana u noqon karto kuwa Mustaqabalka inay ka qayb qaataan siyaasada ,Naadiya doorashadedana waxay noo tahay wax wayn urur ahaan , waxaana mustaqabalka rajeenaynaa in aan soo saarno gabdho badan .

Naadiya Maxamed ayaa ah gabar xijaaban ,waxayna ka qayb qaadanaysaa maamulada go’aan kaarista maamulka dowladda hoose ee xaafada St Lois Park oo ay maamulaan 6 qof oo la soo doorto.

Siyad Salah

Hiiraan Online 

[email protected]