Soomaaliya oo ka qeybgashay shirka Golaha Wasiirro Arrimo Dibaddeedka Wadamada Carabta iyo Africa
Talaado, Janaayo, 07, 2020 (HOL)- Wasiirka
Wasaarradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Axmed Ciise Cawad, ayaa
ka qeybgalay Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda Golaha Wadamada Carabta iyo
Africa ee ku yaalla Badda Cas iyo Gacanka Cadan oo ay martigelisay Boqortooyada Sacuudi Arabiya.
Wasiirrada ayaa waxaa ay saxiixeen cahdiga Golaha
oo loogu gogol xaarayo si loo hordhigo Madaxda wadamada si ay u go’aamiyaan.
Isbahaysiga cusub ayaa ka kooban 8 dal oo Carbeed
iyo Afrikaan, waxaa ay kala yihiin Soomaaliya, Boqortooyada Sucuudi Carabiga,
Masar, Urdun, Suudaan, Yemen, Eritrea iyo Jabuuti.
Wasiirrada ayaa waxaa ay u gudbiyeen u adeeggaha
labada xaram ee sharafta leh salaanta ay ka sideen madaxda dalalkooda, halka
loo sii dhiibay farriimo ku socoto hoggaamiyeyaasha dowladahooda.
Kulanka ayaa ugu danbeyntii lagu fallanqeeyay
arrimo ku aaddan habka lagu horumarin karo iskaashi wadaagga wadamada ku yaalla
Badda Cas iyo Gacanka Cadan si loo xoojiyo nabadgelyada iyo deganaanshaha
gobolka.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]