5/14/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 6 , 2020
Madaxweyne Waare iyo odayaasha Buula-burte oo kulmay

 

Isniin, Janaayo, 06,2020 (HOL)-Madaxweynaha Dowlad gobolleeda Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo maalintii shalay gaaray degmada Buula-burte ayaa halkaa kulamo kula leh odayasha degmada.

Kulamada madaxweynaha iyo Odayaasha ayaa intooda badan looga wada hadlayaa sidii xal loogu heli lahaa xiisada maalmihii ugu danbeeyayba ka taagneyd degmada ee ka dhanka aheyd Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle oo ay ku eedeeyeen in uu uga baxay balamo ay horay u wada galleen.

Madaxweynaha ayaa kala hadlaya Odayaasha sidii loo soo anba-qaadi lahaa dhismaha golaha deegaanka Buula-burte oo ay dalbadeen waxgaradka  deegaanka,sida ay sheegeen dad kulanka qeyb ka ah.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Hir-Shabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa muddo  ka badan laba todobaad ku sugan degmada Buulo-Burde, isaga oo halkaasi u tagay xalinta khilaafka Maamulka ah balse ay dhaceyn banaanbaxyo looga  soo horjeestay.

Odayaasha degmada Buula-burte ayaa ku eedeeynaya maamulka Hirshabeelle magacaabis joogta ah iyo fulin la'aanta inta badan wax-yaabaha lagula balamo waxaa ay doodda ugu weyn ka taagan tahay dhismaha Gole deegaan oo ay odayaashu doorbidayaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]