4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 6 , 2020
Puntland oo shir wadatashi ah ugu yeertay dowlad goboleedyada ay xulufada yihiin iyo xisbiyada mucaaradka Soomaaliya
 

Isniin, Janaayo, 06, 2020, (HOL)-Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni, ayaa shir wadatshi ah ku casuumay qaar kamid ah dowlad goboleedyada ay xulafada yihiin Puntland iyo xisbiyada mucaaradka Soomaaliya, iyagoo ka wada hadlaya arrimaha doorashada Soomaaliya.

Inkastoo Puntland aysan shaacin shirkaan, ayaa hadana Hiiraan Online waxay xogaha ku helaysaaa in Garowe lagu qabanayo shir dowlad goboleedyada iyo asxaabta mucaaradka uga tashanayaan aragtidooda ku aadan doorashada 2020/2021.

Waxay kaloo ka wada hadlidoonaan mowqifkooda siyaasadeed ee sharciga doorashooyinka Soomaaliya, Sharcigaas oo dhawaan uu meel mariyay barlamaanka Soomaaliya, hadana uu horyaala barlamaanka aqalka sare oo dhawaan guddi u saaray.

Shirkaan ayaa lagu wadaa inuu qabsoomo sagaalka bisha January oo ku beegan maalin kadib marka uu madaxweyne Deni u dabaal dego sanad guuradii koowaad ee kasoo wareegtay markii xilka loo doortay.

Dowlad goboleedyada iyo xisbiyada mucaaradka oo kamid ah saamileyda siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa saluugsan sharciga doorashada, iyagoo sheegay inuu yahay sharci dowladda federalka ku doonayso inay ku maamulato doorashada soo socota.

Dhawaan, xisbiyaha mucaaradka ayaa ku eedeeyay dowladda federalka inay ka baxday heshiis ay la galeen.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]