4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 6 , 2020
Mareykanka oo hanjabaad u diray dowladda Ciraaq

 

Isniin, Janaayo, 06, 2020 (HOL)- Iyadoo ay sii kululaaneyso xiisada Diblomaasiyadeed ee u dhaxeysa Mareykanka, Ciraaq iyo Iiraan, ayuu madaxweyne Donald Trump ugu hajabay dalka Ciraaq cunaqabateyn ballaaran haddii ay xukuumaddu meel mariso qaraarka ama go'aanka ka soo baxay Baarlamaanka

Barlamaanka dalka Ciraaq ayaa ansixiyay qorshe dalkaas looga saarayo ciidamada ajnabiga ah ee jooga gudaha wadanka Ciraaq.

Laakiin madaxweyne Trump ayaa sheegay in saldhigga cirka ee uu Mareykanka ku leeyahay Ciraaq ay ku baxday balaayiin doolar, ciidamada Mareykakana aysan ka bixi doonin dalkaas ilaa iyo inta mas'uuliyiinta dalkaas ay ka bixinayaan kharashka Mareykanka uga baxay dhismaha saldhigaas. 

Go'aanka uu gaaray Baarlamaanka dalka Ciraaq ayaa jawaab u ah dilkii uu Mareykanka gudaha dalka Ciraaq ugu geystay Jeneraal Qasem Suleimani oo madax ka ahaa cutub kamid ah ciidamada ugu awoodda badan Iran, waxaana dilkiisa ay sii hurisay xiisadii awalba u dhaxeysay Iran iyo Mareykanka.

"Dowladda Ciraaq waa in ay si khasab ah uga shaqeysaa soo afjaridda  joogitaanka ciidamada ajnabiga ah ee jooga dalka Ciraaq, lagana  mamnuucaa in ay adeegsadaan hawada, dhulka iyo biyaha dalka Ciraaq,",  ayaa lagu yiri go'aanka ka soo baxay Baarlamaanka dalkaasi Ciraaq.

Qaraarkan ay soo jeediyaan xildhibaanada barlamaanka ayaa u baahan in xukuumadda dalkaas ay saxiixdo, si meesha looga saaro heshiiska hadda jira ee ay xukuumadda Baqdaad la gashay Mareykanka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]