4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 6 , 2020
Wasaaradda Difaaca Mareykanka oo ka hadashay weerarkii Al-shabaab ay ku qaadeen saldhigga Lamu

 

Isniin, Janaayo, 06, 2020, (HOL)- Wasaaradda Difaaca Mareykanka ayaa sheegtay in weerarkii shalay lagu qaaday saldhiggooda Miilitari ee gobolka xeebta ‘’ Lamu ‘’ ee dalka Kenya lagu dilay saddex ruux oo isugu jiray Askari Mareykanka ah iyo Labo ruux oo Qadaraaslayaal ah.

Sidoo kale waxaa ay sheegtay in weerarkaa lagu dhaawacay Labo ruux oo Mareykanka ah kuwaa oo xaaladoodu wanaagsan tahay.

Dagaalyahannada Ururka Al-Shabaab ayaa weerrar ku qaaday maalintii shalay saldhig ay degenaayeen ciidamada Mareykanka, iyaga oo sheegtay in waqti kooban ay la wareegeen gacan ku heynta saldhigga.

War Qoraal ah oo dhankooda ka soo baxay ayeey ku sheegeen in ay weerarkaasi ku dileen 17 Askari oo Mareykan ah 9 ka tirsan ciidamada Kenya.

Balse war qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Africom ee Mareykanka ayaa lagu sheegay in sheegashada Al-shabaab tahay been la dhoodhoobay.

"Al-Shabaab waxaa ay miciin bideen been, si ay sare ugu qaadaan sumcadooda ayna u abuuraan cinwaano been abuur ah," waxaa sidaasi sheegay Janaraal William Gayler, oo ah agaasimaha (AFRICOM) .

Mareykanka ayaa bishan oo kaliya dhowr weerar oo cirka ah ka geystay gudaha dalka Soomaaliya iyaga oo sheegay in ay ku dileen weerarradaas xubno ka tirsan Ururka Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]