4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 4 , 2020
Qaramada Midoobay oo sharci darro ku tilmaamtay weerarkii Maraykanku ku dilay Qassim Soleimani
 

Sabti, Janaayo, 04, 2020 (HOL)- Qaramada Midoobay ayaa dhaleeceeysay weerarkii cirka ee Mareykanka ku dilay Qassim Soleimani oo reer Iran ah, waxayna caddeysay in uu jabinayo sharciga xuquuqda aadanaha.

"Dilkii qorsheysnaa ee loo geystay Qasem Soleiman iyo Abu Mahdi Al-Muhandis waxay u badan tahay inay yihiin sharci darro isla markaana waxay ku xadgudbayaan sharciga xuquuqda aadanaha ee caalamiga ah. Callamard ayaa barteeda Twitterka ku soo qortay.

Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan dilalka ka baxsan sharciga, Agnès Callamar, ayaa tilmaamtay dilku ujeedkiisu inuu ahaa dabar-goynta qorshayaasha mustaqbalka ee Iran.

Khabiirka Xuquuqda Aadanaha ee Faransiiska ayaa sidoo kale dhaleeceesay bayaanka Pentagon ee ku saabsan duqeynta.

Waxay raacisay in Maraykanka looga baahnaandoono inuu caddeeyo qofka uu bartilmaameedsaday inuu yahay  khatar ku soo food leh.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]