4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 4 , 2020
Madaxweyne Waare oo magaalada Beledweyne kula kulmay saraakiisha ciidamada AMISOM

 

Sabti, Janaayo, 04, 2020 (HOL)- Madaxweynaha Dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa kulan la qaatay saraakiisha howlgalka midowga Africa ee ku sugan gobolka Hiiraan gaar ahaan magaalada Beledweyne.

Kulanka waxaa qeyb ka ahaa Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga Hirshabelle iyo Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, iyadoo labada dhinac ay ka wada-hadleen Arrimaha Nabad-galyada guud ahaan gobolka iyo dagaalka ka dhanka Ururka Al-shabaab.

Madaxweynaha ayaa gaar saraakiisha AMISOM kala hadlay howlgalka lagu xoreynayo deegaannada wali ku jira gacanta Al-shabaab iyo isku furista waddooyinka xiran.

Saraakiisha ciidamada AMISOM ayaa dhankooda ballanqaaday in ay ka qeyb qaadan doonaan sidii dib loogu furi lahaa Wadooyinka go’doonsan Hiiraan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]