4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 4 , 2020
Wasiir Beyle iyo wafdi ka socda Bankiga Africa oo kulmay


Sabti, Janaayo, 04, 2020 (HOL)-Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa ku soo dhaweeyay xarunta Wasaaradda Maaliyadda xubno ka socday Bangiga Horumarinta Afrika.

Xubnaha wafdigan ka socday Bangiga Horumarinta Afrika (African Development Bank) oo uu hogaaminayey Sam Sakwa oo ah qabiir sare oo maamulka dhaqaalaha Bangiga ayaa ujeedka socdaalkoodu ahaa qiimeyn ay ku sameenayeen dib-u-habeynta Maaliyadda dalka iyo hubinta heerka isku haleynta hannaanka maaliyadda Soomaaliya oo sanadihii ugu danbeeyey isbadal la taaban karo laga sameeyey.

Wasiir Beyle ayaa kulan uu xafiiskiisa kula qaatay wafdigan ka socday Bangiga Horumarinta Africa u sharaxay habka shaqo ee hanaanka maaliyadda Soomaaliya iyo meelmarinta sharuucda hagta maamulka dhaqaalaha dalka.

Kulankan oo socday muddo laba maalmood ah, qeybna ay ka ahaayeen mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda oo ay ka midyihiin Wasiirka ku xigeenka Cabdullaahi Sheekh Cali Qaloocow, Agaasimaha guud iyo Xisaabiyaha guud ayaa Wasaaradda waxaa ay kuanka kusoo bandhigtay horumarmaro dhinacyo badan oo ay dowladdu Soomaaliya sanadihii lasoo dhaafay ka gaartay maamulka Maaliyadda dalka iyo wada shaqeynta hay’adaha maaliyadda adduunka.

“Waxaa ay u yimaadeen in ay qiimeeyaan habka shaqo ee maaliyadda Soomaaliya, runtiina waxay garwaaqsadeen inaan gaarnay heerar aysan fileyn inaan gaarnay, waxaana filayaa inay la laabtaan warbixin wanaagsan ” ayuu yiri  Cabdullaahi Sheekh Cali Qaloocow Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyada

Bangiga Horumarinta Africa ayaa ka mid ah hay’adaha caawiya Soomaaliya, kaas oo door fiican ku leh xoojinta iyo kor u qaadista dakhliga gudaha, kuwaas oo ay ugu dambeyso dib u dhiska xarumaha canshuuraha degmooyinka oo qaarkood dhawaan xariga laga jaray, sidoo kale Bangigu waxa uu ka mid yahay hay’adaha dhaqaalaha ee sida dhaw ugala shaqeeynaya Soomaaliya sidii ay ku gaari laheyd deyn cafiska. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]