4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 4 , 2020
Maraykanka oo muwaadiniintiisa ku sugan Iraq ku booriyay inay si degdeg ah uga baxaan
 

Sabti, Janaayo, 04, 2020 (HOL)- Safaaradda Mareykanka ee Baqdaad ayaa ku boorisay dhammaan muwaadiniinteeda inay si deg deg ah uga baxaan Ciraaq.

Arrintaan ayaa timid ka dib markii Mareykanku duqeyn ku dilay Madaxii ilaalada kacaanka Iran Qassem Soleimani iyo taliyihii malleeshiyaadka Ciraaq Abu Mahdi al-Muhandis.

Xiisadaha sii kordhaya ee ka jira Ciraaq iyo gobolka, Safaaradda Mareykanka waxay ku boorisay muwaadiniinta Mareykanka inay si degdeg uga baxaan Ciraaq.

"Muwaadiniinta Mareykanka waa inay sida ugu dhaqsiyaha badan duulimaad uga baxaan Iraq, haddii ay suurto gali weydana waa inay maraan safar dhulka ah oo ay ku tagayaan wadamada kale " ayaa lagu yidhi war kasoo baxay safaaarada Maraykanka ee baqdaad.

Iran ayaa wacad ku martay inay qaadidoonto tilaabooyin loogu aargudayo dilkii saraakiisheeda looga dilay gudaha Iraq, waxaana Maraykanku haatan galay feejigaan culus.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]