4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 4 , 2020
Al-shabaab oo saddex ruux meel fagaaro ku toogatay deegaanka Buq-Aqable ee gobolka Hiiraan

 

Sabti,Janaayo,04, 2020 (HOL)-Wararka ka imanaya deegaanka Buq-Aqable ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xoogagga Al-shabaab meel fagaaro ah ku toogteen galinkii danbe ee shalay saddex ruux oo ay ku eedeeyeen in ay la shaqeynayeen dowladda Soomaaliya.

Saddexda Ruux ee toogashada lagu fuliyay ayeey dadka deegaanku sheegeen in Al-shabaab ay ka soo qafaasheen deegaanka Ceelcali oo dhawaan dagaal uu ku dhaxmaray xoogagga Macwiisleyda iyo dagaalyahanno ka tirsan Ururka Al-shabaab.

Dagaalka Ceelcali ka dhacay ayaa la sheegay in xubno uu ku jiro sarkaal sare looga dilay Al-shabaab, taasoo keentay in ay horay soo qab qabtaan qaar ka ah dadkii ku dhaqnaa deegaanka uu dagaalku ka dhacay.

Inkastoo Al-shabaab ay ku eedeeyeen saddex ruux oo ay toogteen in ay la shaqeyneeyn dowladda soomaaliya haddana dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in dadkaasi ay ahaayeen dad shacab ah.

Ma jiro wali wax war ah oo ka soo baxay dhinaca maamulka gobolka Hiiraan oo la xiriira warka ku saabsan saddexda ruux ee toogashada lagu fuliyay oo ay inoo suurtagali weyday in aynu magacyadooda helno.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]