4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 3 , 2020
Guddiga Farsamada maamul u dhisidda Galmudug oo maanta ku dhawaaqaya liiska barlamaanka Galmudug
 

Jimco, Janaayo, 03, 2020 (HOL)- Guddiga Farsamada maamul u dhisidda Galmudug ayaa sheegay inay saacadaha soo aadan ku dhawaaqidoonaan  guud ahaan liiska barlamaanka cusub ee Galmudug.

Guddiga ayaa hadalkaan ku sheegay qoraal kooban oo ay ku kusoo daabaceen bogga ay ku leeyihiin internetka.

Guddiga Farsamada Maamul u dhisidda Galmudug waxay sheegeen inay aqbaleen liiska xildhibaanada ugu horeeya ee Galmudug oo ay soo gudbiyeen Ehlusunna Waljamaaca.

Ku dhawaaqista barlamaanka Galmudug ayaa dib u dhacday afar cishe, iyadoo ku beegnayd in lagu dhawaaqo 31-dii bishii december ee sanadkii hore 2019.

Ku dhawaaqistaan ayaa dib usii dhigi kartaa doorashada guddoomiyaha golaha barlamaaka Galmudug iyo ku xigeenadiisa oo ku astaysan maalinta berito ah.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]