4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 3 , 2020
Mareykanka oo dilay Jeneraal Qasem Soleiman oo lafdhabar u ahaa dowladda Iran

 

Jimco,Janaayo, 03, 2020 (HOL)-Madaxii Ciidamada xulka ah ee Quds Force ee Iran, General Qassem Soleimani, ayaa aroortii hore ee subaxnimadan jimcaha ah lagu dilay duqeyn xagga cirka ah oo ka dhacday garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Magaalada Baqdaad, sida ay sheegeen Saraakiisha Ciraaq.

Wasaaradda gaashaandhiga ee Mareykanka ayaa sheegtay in Qasem Soleiman ay ku dileen duqeyn dhanka cirka oo ka dhacday meel aan ka fogeyn garoonka diyaardaaha ee Baqdaad ee dalka Ciraaq.

Abu Mahdi al-Muhandis, oo ahaa taliye ku-xigeenkii Maleeshiyaadka Ciraaq ee ay taageerayaan Iran ee Ciidamada Dhaqdhaqaaqa Caanka ee Ciraaq, ayaa sidoo kale la dilay

Gantaal ayaa lagu soo waramayaa in uu kololyadooda kula dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha. Saraakiisha ayaa sheegay in tirada guud ee khasaaraha aysan caddeyn, laakiin la rumeysan yahay in ugu yaraan toddobo qof ay dhimatay.

Waxaa ka mid ah qof lagu tilmaamay in uu yahay madaxa borotokoolka garoonka, kaasoo hal sarkaal uu sheegay inuu halkaas u joogay inuu soo qaado laba qof oo ahaa marti "heer-sare" ah.

Quds waa unug ka mid ah Ilaalada Kacaanka Iran. Shaqadeeda ugu weynina waa inay ka fuliso hawlgal militari meel ka baxsan dalka Iran.

Ciidamada Dhaqdhaqaaqa Caanka ah ee Ciraaq waxaa ay xiriir dhow la leeyihiin Iran waxayna ka dambeeyeen weerarkii Talaadadii lagu qaaday safaaradda Mareykanka ee Baqdaad.

VOA