4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 3 , 2020
Madaxweyne Xaaf oo ka horyimid qorshaha dhismaha Galmudug

 

Jimco, Janaayo, 03, 2020 (HOL)- Madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo shalay gaaray magaalada Gaalkacyo ayaa ka hor yimid dhismaha  maamulka cusub ee Galmudug ee heerka gabagabada ah maraya.

Degmada Dhuusa-Mareeb ee loo fadhiyo dhismaha Galmudug waxaa ku sugan hadda Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo kulamo la leh hoggaanka sare ee Ahlu Sunna Waljameeca iyo Odayaasha dhaqanka ee saxiixayaasha xildhibaannada ka mid noqonaya Baarlamaanka cusub ee Galmudug.

Madaxweyne Xaaf ayaa muddo dheer ka hadal arrimaha Galmudug isaga oo mar sii horeysay sheegay in howlaha dhismaha Galmudug uu uga harray Wasaarradda Arrimaha Gudaha iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya, balse hadda ayuu sheegay in aanu  ku qanacsaneyn sida loo maamulayo dhismaha Galmudug.

Qoraal ka soo baxay Xaaf ayaa lagu faray dhamaanba Golaha Wasiirradda Galmudug in ay si toos ah uga howlgalaan xarumahooda siina wataan waajibaadkooda shaqo.

Hoos ka Akhriso Qoraalka ka soo baxay madaxweyna Xaaf :

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]