4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 25, 2020
Dr. Gabgable oo ku geeriyooday magaalada Toronto ee dalka Kanada

Sabti, Janaayo, 25, 2020 (HOL) - Waxaa magaalada Toronto ee dalka Kanada ku geeriyooday marxuum Dr. Cabdulqadir Maxamed Nuur oo loo yaqaanay Dr. Gabgable,  ka mid ahaa  dhaqaatiirtii caanka ahaa ka soo shaqeeyey dalka Soomaaliya.

Dr. Gabgable oo ahaa dhaqtar ku taqasusay caafimaadka iyo daryeelka haweenka (gynecologist) ayaa wuxuu ka mid ahaa dhaqtiitii ugu  horeeyey ee jaamacad uga soo baxa dhaqtarnimada u gaarka ah dumarka. Wuxuuna in mudda ah madax ka ahaa Isbitaalka  Banaadir qaybta caafimaad dumarka

Dr. Gabgable ayaa wuxuu ka soo qalanjibiyey Jaamacadda Charles ee magaalada Prague, dalka Czech Republic sannadkii 1966. Wuxuuna si toos uga howlgalay dalka Soomaaliya ilaa bur-burkii dowladda dhexe, wuxuuna ka dibna u soo wareegay dalka Kanada. Halkaas uu ku noolaa ilaa iyo intii uu ka geeriyooday. 

Beri oo ay taariikhdu tahay 26k Jan. ayaa Dr. Gabgable lagu aasidoona magaalada Toronto ee dalka Kanada.