4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 25, 2020
Taliyaha ciidamada dalka Britain ee geeska Afrika oo kulamo la yeeshay taliska ciidanka Militeriga iyo wasaarada gaashaandhiga Somaliland


Sabti, Janaayo, 25, 2020 (HOL)–Ergayga dawladda dalka Britain u qaabilsan Somaliland Stuart Brown iyo Taliyaha Ciidamada dalka Britain ee Geeska Africa Col. Huan Davies ayaa maanta xafiisyadooda kula kulmay wasiirka gaashaandhiga Cabdiqani Caateeye iyo taliska ciidanka Militeriga Somaliland. 

Col. Huan iyo Mr. Brown sidoo kale waxaa ay la kulmeen ku-simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhiga, Halkaas oo ay Ka Wadda Hadleen Arrimaha Wasaaradda.

Sidoo kale, u qaabilsanaha Ciidanka Boqortooyada Ingiriiska iyo taliyaha ciidamada boqortooyada Ingiriiska ee geeska Afrika ayaa kulan gaar ah la yeesahy Taliyaha Ciidan Militeriga Somaliland Sareeye Gaas. Nuux Ismaaciil Taani iyo Abaandulaha ciidamada Qaranka Sareeye Guuto. Cabdirisaaq Siciid Bulale.

Dawlada dalka Britain ayaa tageero kala duwan u fidisa Wasaarada Gaashaandhiga iyo Ciidanka Qaranka Somaliland, haseyeeshee wax war oo faahfaahsan lagama soo saarin kulamadaasi.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland