3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 2 , 2020
Ururada masaajida Norway oo ku howlan badbaadinta Masjidka Towfiiq ee Soomaalidu ku heshiin la’dahay

Khamiis, Janaayo, 02, 2020 (HOL)- Ururo ay mideysanyihiin masaajida kuyaala Norway ayaa bilaabay dadaalo lagu dhex dhexaadinayo Soomaalida ku heshiin la’ maamulka masjidka Towfiiq oo ah masaajidka ugu weyn Oslo oo ay Soomaalida gacanta ku hayso.

Muddo 3-asbuuc ah ayaa ka dhiman waqtigii loo qabtay in lagu xalliyoo khilaafka masaajidka, haddii lagu xallin waayana waxay Norway shaacisay inay dalkeeda ka tirtiridoonto urur diimeedka Soomaalida ee  gacanta ku haya masaajidka.

HOL waxay ogaatay in labadii isbuuc ee tagay kulamo gaar gaar ah lala qaadanayay dhinacyada ku muransan talada masjidka, si loo helo xal lagu badbaadin karo maamulka masaajidka oo u dhow  in laga tirtiro liiska ururada diimaha ee ka diiwaangashan Norway.

Weli lama sheegin in xal kasoo baxay kulamadaas labada kooxood lala yeeshay, inastoo rajo wanaagsan laga qabo in go’aanka kahor la helo xal lagu dhameynayo khilaafka taagan.

Soomaalida ku dhaqan Oslo ayaa walaac xoogan ka muujiyay xaalada halka ay marayso iyagoo ka murugaysan mustaqbalka masjidka Towfiiq.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
1/2/2020 9:54 AM EST
Khamiis, Janaayo, 2020 (HOL)–Jabhaddii korneyl Caaro iyo askartiisii ayaa maanta lagu wareejiyey guddidii madax dhaqameedka ahaa ee iskaga dabqaadayey xukuumadda iyo Taliye Caaare, waxaana lagu soo gunaaday in si nabad ah ciidankaasi lagu soo wareejiyo.

1/2/2020 6:39 AM EST
Khamiis, Janaayo, 02, 2020 (HOL)- Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Cumar Finish ayaa ganacsatada ugu baaqay inay joojiyaan lacagaha ay siiyaan ururka Alshabaab, isagoo sheegay in lacagahaasi lagu xasuuqo ummadda Soomaaliyeed.

1/2/2020 6:38 AM EST
Khamiis,Janaayo, 02,2020 (HOL)-48 arday oo Soomaali ah ayaa loo qabtay xaflad qalinjabin ah kadib markii ay dhameeyeen Barashada Quraanka Kariimkaa taas oo ay soo abaabuleed dalada Ohio Dugsi Association oo ah dalad ay ku midoobeen qaar ka mid ah dugsiyada qur'aanka ee gobolka ohio.

1/2/2020 5:49 AM EST
Khamiis, Janaayo, 02, 2020 (HOL)- Ugu yaraan sagaal carruur ah ayaa degaanka Widhdhidh oo katirsan degmada Buuhoodle ee gobolka togdheer ugu geeriyooday cudurka maskax-garaadka ama meningitis, sida ay Hiiraan Online u xaqiijiyeen masuuliyiinta degaanka.

1/2/2020 4:32 AM EST
Khamiis, Janaayo, 02, 2020 (HOL)- Maraykanka ayaa fiisihii dal ku gal u diiday filim sameeyaha reer Syria Feras Fayyad, isagoo loo tixgalinayo inuu yahay ninka ku guulaysan kara abaalmarinta Oscar ee la bixinayo sannadkaan 2020.

1/2/2020 3:24 AM EST
Khamiis, Janaayo, 02, 2020 (HOL)-Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdulaahi Deni, ayaa diiday ciidamo aan ahayn kuwa Puntland in ay ka howlgalaan gudaha Puntland.

1/2/2020 3:21 AM EST
Khamiis,Janaayo 2020 (HOL)-Dad ka carreysan Qaraxii dadka badan ay ku dhinteen ee toddobaadkan ka dhacay Ex Koontarool Afgooye ayaa maanta isugu soo baxay Fagaaraha Dugsiga tababarka ee Janeraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho

1/2/2020 3:11 AM EST
Khamiis,Janaayo, 02, 2020 (HOL)-Dowladda Kenya ayaa ka digtay weerarro ay qorshaynayaan xubno ka tirsan Ururka Al-shabaab kuwaa sawirradooda la baahiyay.

1/2/2020 12:30 AM EST
Khamiis, Janaayo, 02, 2020 (HOL)- Wararka ka imanaya dalka Yemen ayaa sheegaya in xaalad nolaleed oo adag ay soo food saartay Qaxootiga Soomaalida ee ku jira xerada Alqaraj kaddib markii laga eryay xerada hay’addii gacanta ku heysay ee UNHCR.

1/2/2020 12:06 AM EST
Khamiis, Janaayo, 02, 2020 (HOL)-Magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa in maanta uu ka dhaco dibadbax uu soo qabanqaabiyay maamulka gobolka Banaadir kaa oo looga soo horjeedo Qaraxii toddobaadkan horraantiisii ka dhacay Isgoyska Ex Koontarool Afgooye.