4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 2 , 2020
Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo ganacsatada ugu baaqay inay joojiyaan lacagaha ay siiyaan Alshabaab
 

Khamiis, Janaayo, 02, 2020 (HOL)- Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Cumar Finish ayaa ganacsatada ugu baaqay inay joojiyaan lacagaha ay siiyaan ururka Alshabaab, isagoo sheegay in lacagahaasi lagu xasuuqo ummadda Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha ayaa ku guubaabiyay ganacsatada  inayan aqbalin baad dambe oo lagu baabi’inayo dadkooda, wuxuuna yidhi,

“Ganacatada waxaan u sheegaynaa, geerida iyo nolasha ilaaheeybaa gacanta ku haya, waxaa idiin soo jeedinayaa inaad maya dhahdaan baad lagu baabi’inayo guryihiina iyo ubadkiina   

“Maanta lacagta adiga lagaa qaado waxaad ogtahay in dalkaaga lagu dhibaataynayo, soo doqonimo ma ahan?, ayuu hadalkiisa ku daray.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay dowladdu meelahooda ugu tagayso kooxaha uu sheegay inay gumaad ku hayaan shacabka.

"Inta aysan qaraxa Guryaheenna noogu keenin oo aysan Koox koox noo laayin waa inaan anagu meeshay joogaan ugu tagnaa"

Hadalkaan ayuu Cumar Finish ka sheegay isu imaatin balaaran oo lagaga hadlayay xasuuqii ka dhacay Ex-kantarool Afgooye.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]