4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 2 , 2020
Jidadka Muqdisho qaarkood oo xiran iyo dibadbax la qorsheynayo in uu dhaco

 

Khamiis, Janaayo, 02, 2020 (HOL)- Magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa in maanta uu ka dhaco dibadbax uu soo qabanqaabiyay maamulka gobolka Banaadir kaa oo looga soo horjeedo Qaraxii toddobaadkan horraantiisii ka dhacay Isgoyska Ex Koontarool Afgooye.

Waxaa siweyn loo adkeeyay amaanka magaalada iyadoo inta badan ay xiran yihiin jidadka muhiim u isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha magaaalada Muqdisho.

Waxaa ka mid ah Wadooyinka xiran Taalada Dajirka Daahsoon, Waddada ka baxda Suuqa Beerta ee gasha Maka Almukarama, Waddada ka baxda Isgoyska Ceelgaabta ee aadan dhinaca Isgoyska Xamar-Jabab iyo qaar kale oo badan.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho in ay muujiyaan darreenkooda ka dhanka ah Al-shabaab oo sheegatay mas’uuliyada Qaraxii galaaftay nolasha in ka badan 100 ruux oo u badnaa dad shacab ah oo xili subaxnimo ah lala eegtay Isgoyska mashquulka badan ee Ex Koontarool.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]