3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 16, 2020
Deni iyo Axmed madoobe oo sheegay inay ka wada hadlayaan danaha gaarka ah ee labada maamul iyo xaalka Soomaaliya


Khamiis, Janaayo, 16. 2020 (HOL)- Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland ayaa ka hadlay socdaal uu maanta ku tagay magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari, halkaas oo uu ku qaabilay madaxweynaaha Puntland Siciid Deni.

Madaxweyne Axmed Madoobe oo ka hadlayay shir jaraa'id ayaa sheegay in socdaalkiisa uu daaran yahay sidii ay Puntland uga wada hadli lahaayeen arrimaha labada maamul ay kawada midaysan yihiin iyo danaha guud ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni, ayaa isna dhankiisa sheegay in Puntland iyo Jubbaland ay ka midaysan yihiin arrimaha siyaasada Soomaaliya, ayna wax isla meel dhigidoonaan inta ay wada joogaan.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay Puntland inay gacan weyn ka geysatay doorashadii madaxweyne Axmed Madoobe uuna ku faraxsan yahay socdaalkiisii ugu horeeyay inuu Puntland ku yimid.

Masuuliyiinta ayaa la filayaa inay yeesheen kulan gaar ah kahor inta aysan wajahin xubno katirsan beesha caalamka oo la filayo in maalinta berrito ay kula shiraan magaalada Bosaso.

Shan beri ka hor, safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Yamamota ayaa tagay Bosaso, isagoo kula shiray madaxweyne Deni.

Beesha caalamka ayaa horey ugu baaqday in hoggaamiyayasha siyaasada Soomaaliya ay xal ka gaaraan khilaafka ka dhextaagan, iyagoo ka digay in waqtiga lagu lumiyo isqabqabsi mugdi galin kara doorashada Soomaaliya oo ay beesha caalamku taageerayso.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
1/16/2020 10:34 AM EST
Khamiis, Janaayo, 16. 2020 (HOL)- Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa cafis ufidiyey 5 xubnood oo dhowaan Xukun Maxkamadeed uu ku dhacay.

1/16/2020 6:49 AM EST
Khamiis, Janaayo, 16, 2020 (HOL)-Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in howlgal xalay saqdii dhexe ay ka sameeyeen degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha hoose ku dileen madaxii Qaraxyada u qaabilsanaa Ururka Al-shabaab

1/16/2020 6:35 AM EST
Khamiis, Janaayo, 16, 2020 (HOL)-Kulanka Baarlamaanka Waddamada ku bahoobay Jaamacadda Carabta oo Shalayto lagu soo gaba-gabeeyay Magaalada Qaahira ee xarunta Dalka Masar ayaa laga soo saaray bayaan lagu taageerayo Dowladaha Soomaaliya iyo Suuriya.

1/16/2020 5:08 AM EST
Khamiis, Janaayo, 16. 2020 (HOL)- Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa maanta gaaray magaalada Bosaso, xilli uu halkaasi ku sugan yahay madaxweynaha Puntland, Siciid Deni.

1/16/2020 1:15 AM EST
Khamiis, Janaayo, 16, 2020 (HOL)- Xildhibaan Faarax Maxamed Dalmar oo katirsan barlamaanka Puntland, ayaa sheegay inuu ka badbaaday isku day lagu qaarajin lahaa.

1/16/2020 1:12 AM EST
Khamiis, Janaayo, 16. 2020 (HOL)-Xildhibaannada Baarlamaanka 2aad ee dowlad gobolleedka Galmudug ayaa maanta lagu waddaa in ay dhageystaan khudbadaha musharixiinta u taagan xilka Guddoonka.