Hiiraan Online
4/26/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Talaado, Jan 14, 2020
Al-shabaab oo qaraxyo ku weerartay kolonyo ciidan oo galbinaysay Engineero Turkish ah
Talaado, Janaayo, 14, 2020 (HOL)- Ugu yaraan 3 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda ayaa la sheegay in ay ku dhinteen dhowr kalena ay ku dhaawacmeen qarax miino oo lala beegsaday kolonyo ay la socdeen injineerro Turkish ah.
Kolanyadaan ayaa lagu beegsaday degaanka Ceelasha biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.
Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarka.
Weerarkaan ayaa kusoo beegmaya kadib markii dhawaan Al-shabaab ay sheegeen inay kordhinayaan weerarada ka dhanka ah Turkiga.
Dhawaan ayay ahayd markii labo muwaadin oo Turkish ah ay kamid ahaayeen dadkii ku dhintay qarixii ex-cantarool Afgooye.
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]