4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 14, 2020
Aqalka sare oo meel mariyay sharciga wax ka bedelka xeerka warbaahinta Soomaaliya
 

Talaado, Janaayo, 14, 2020 (HOL)- Golaha Aqalka Sare ee BFS ayaa maanta ansixiyay Hindise-sharciyeedka Wax-ka beddelka Xeerka  Warbaahinta.

wax ka bedelka Xeerka saxaafada Soomaaliya ayaa soo maray marxalado kala duwan, iyadoo lagu guulaystay in laga saaro qodobo loo arkayay inay halis ku yihiin jiritaanka saxaafad madax bannaan oo dhex dhexaad ah.

Bishii Julay, ee sannadkii hore ayaa golaha shacabku meel mariyay xeerkaan oo hadda dhaqan galkiisu ka harsan tahay marka uu madaxweynuhu saxiixo.

Guddomiyaha Guddiga Horumarinta, Adeega Bulshada, Arrimaha Aadanimada, Warfaafinta iyo Dhaqanka ee Golaha Aqalka Sare Senatar Axmad Macalin Cumar ayaa ka hor akhriyay Golaha Aqalka Sare warbixinya Hindise-sharciyeedkaan.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta XFS Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareey oo ay wehliyaan howl-wadeeno ayaa hor yimid Golaha Aqalka Sare.

Guddiga Horumarinta, Adeega Bulshada, Arimaha Aadanimada, Warfaafinta iyo Dhaqanka ee Golaha Aqalka Sare ayaa mariyay Akhrinta 3aad ee Hindise-Sharciyeedka Wax-ka beddelka Xeerka Warbaahinta.

Golaha Aqalka sare aya ansixiyey Hindise-sharciyeedkani. Waxaa Ogaaladay 23 Senatar,Waxaa diiday 3 Senatar, Waxaa ka aamusay 1 Senatar.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]