4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 14, 2020
Dowladda Soomaaliya oo abaal marin lacageed dul dhigtay xogta shaqsiyaad katirsan Al-shabaab oo dil ku xukuman
 

Talaado, Janaayo, 14, 2020 (HOL)- Hay'adaha ammaanka Soomaaliya ayaa sheegay in ay abaal marin Lacageed ku bixinayaan cidii soo sheegta macluumaadka shaqsiyaad katirsan kooxda Al-shabaab oo ay maxkamadda ciidamada qalabka sida ku riday xukunno dil ah.

Shaqsiyaadkan oo la faafiyay sawirradooda iyo magacyadooda ayaa ku eedeeysan inay ka dambeeyeen dilal qorshaysan iyo qaraxyo ay ka geysteen gudaha Muqdisho iyo meelo kale.

Hay’adda amniga ayaa dhawaan siidaayay macluumaad ku saabsan shaqsiyaadkaan, iyagoo kusoo bandhigay barnaamijka Gungaar oo lagu wareysanayay shaqsiyaad katirsan Al-shabaab, kuwaas oo xog badan ka bixiyay falal ay geysteen,

Hay’addaha ammaanku ma sheegin inta ay le’egtahay abaalmarinta dhaqaale ee la siinayo cida soo gudbisa xogta raggaan iyo halka xogtaas lala wadaagayo.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]