4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 14, 2020
Madaxda maamul gobolleedyada Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed oo shir uga furmayo Baydhabo

 

Talaado, Janaayo, 14, 2020 (HOL)-Maanta oo Talaado ah ayaa lagu wadaa in magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay uu shir uga furmo madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle

Shirkan oo looga hadlayo hormarinta mashaariicaha kala duwan ayaa waxaa wadajir u soo qabanqaabiyay Wasaarradda Qorsheynta Dowlad gobolleedka Koonfur Galbeed iyo Midowga Yurub.

Axmed Madoobe Nuunoow oo ah Wasiirka Wasaarradda Qorsheynta maamulka Koonfur Galbeed ayaa warbaahinta u sheegay in sidoo kale shirkan si gaar ah diirrada loogu saari doono hormarinta mashaariica kala duwan ee Labada maamul Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed, waxaana shirkan ka qeybgali doona safiirro ka socda midowga Yurub.

Waxaa uu sheegay in sidoo kale inay shirka looga hadli doono sidii  labada maamul ay isaga kaashan lahaayeen mashruuc uu bixinayo Midowga  Yurub, kaasoo oo ku saabsan kobcinta ,dhaqaalaha iyo horumarinta Labada  Dowlad Goboleed

Shirkan sidoo kale waxaa ka marneyn oo mudada uu socdo leyskula eegi doonaa sidii wax looga qaban lahaa Fatahaaddaha ku soo noqnoqday marar badan deegaanno ka tirsan labada maamul gaar ahaan gobolka Hiiraan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]