4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 14, 2020
Dowladda oo sheegtay in saraakiil lagu qabtay howlgalkii Tooratooroow

 

Talaado, Janaayo, 14, 2020 (HOL)- Dowladda Soomaaliya ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixisay howlgal maalintii shalay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ka sameeyeen deegaanka Tooratooroow oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Dowladdu waxaa ay sheegtay in gacanta lagu dhigay saraakiil ka tirsan Ururka Al-shabaab oo uu ka mid ahaa Garsoorihii Maxkamada Al-shabaab ee deegaanka Tooratooroow

Waxaa ay sidoo kale sheegtay in howlgalka lagu qabtay sarkaalkii uga mas'uulka ahaa Al-shabaab arrimaha waxa ay u yaqaanaan Zakawaadka oo magaciisa lagu sheegay Macalin Abuukar

Deegaanka ay dowladdu la wareegtay ayaa ahaa saldhiggii ugu weynaa ee Ururka Al-shabaab waxaana sidoo lagu lagu xasuustaa deegankan ay xarun ay aheyd maxkamada Ururka Al-shabaab oo inta badan ay dadku u xukun doonaan jireen.

Dowladda ayaa sheegtay in deegaankan uu ahaa sidoo kale halkii lagu soo abaabuli jiray Qaraxyada, sidoo kalena uu deegaanka u  ahaa goob ay ku qaadi jireen lacago sida ay dowladdu hadalka u dhigtay  baad ah.

Al-shabab iyo dowladda ayaa marar badan oo hore sidan oo kale isku daba-maray gacan ku heynta deegaanka oo muhiim u ah dhaqdhaqaaqa kooxda ee gobolka Shabeellaha Hoose.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]