4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 13, 2020
Xisbiyada mucaarad ee Somaliland oo sheegay in madaxweynuhu diiday in uu kala diro guddida cusub ee Doorashooyinka

 

Isniin, Janaayo, 13, 2020 (HOL)-Xisbiyada mucaaradka Somaliland ayaa sheegay in madxweyne Biixi diiday in uu kala diro guddida cusub ee doorashooyinka oo lagu balansanaa in la kala diro oo dib loo soo celiyo gudidii hore ee xilku ka dhamaaday.

Labada xisbi mucaaradka oo markii kulankii madaxweynaha la lahaayeen isku fahmi waayey arrimihii ay ka wada hadlayeen shirjaraa’id ku qabtay xafiiskooda, ayaa waxa u hadlay gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro.

“madaxweynaha waxaanku ku balansanayn in aanu fulino saddexdii qoddob ee guddida dhexdhexaadka khilaafka doorashooyinka ee ahaa in komishankan cusub la kala diro, in komishankii hore dib loo soo celiyo iyo in la isku afgarto wakhtiga ugu dhow ee doorasho la qaban karo, waxaana loo raacayey sidii loo raacay guddidii doorashooyinka ee 2009-kii lagu kala diray guddidii joogtay, taas oo ah in laga dalbo inay is casilaan,”ayuu yidhi gudoomiye Cirro.

Mar uu ka hadlayey diidmada madaxweynaha ee ah inuu kala diro guddida cusub ee komishanka waxa uu yidhi “Maanta waxaanu iskugu nimid kulankii sadexaad waxaana ka sugaynay wixii u qabsoomay qodobadii lagu heshiiyey, balse gunaanadkiii waxa uu noo sheegay in aanu fulin Karin kala diristii guddida cusub ee doorashooyinka, taas macnaheedu waa in ayna fulinayn go’aamadii guddida dhexdhexaadinta soo jeedisay ”.

Sidoo kale, waxay labadda xisbi soo jeediyeen in guddidii dhexdhexaadinta, beesha caalamka iyo shacabku doorkoodda ka qaataan sidii madaxweynuhu u fulin lahaa wixii lagu heshiiyey.

“Labada xisbi waxaa ay ugu baaqayaan komishanka hadda jooga in ay is casilaan si dalka ugu qabsoonto doorashooyin iyagoo u tudhaya dadkooda”ayuu ku soo xidhay hadalkiisa.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.