4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 13, 2020
Madaxweyne Farmaajo oo u dhoofay dalka Cummaan

 

Isniin, Janaayo, 13, 2020 (HOL)-Madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa saakay u anbabaxay dalka Cumaan isaga oo halkaa lagu waddo in uu uga qeybgalo Tacsida Qaran ee Saldanada Cummaan

Madaxweyne Farmaajo  waxaa uu ka mid noqonayaa madax ka socota Caalamka oo qulqulaya dalka Cummaan si ay uga qeyb qaataan tacsida loo  sameynayo Suldaan Qaboos bin Said Al Said oo maalmo ka hor geeriyooday.

Madaxda socta caalamka ayaa ku sii qulqulaya dalka Cummaan waxaana ay ka tacsiyo gudanayeen Suldaanka cusub ee  Cumaan Suldaan cusub ee Cummaan Sultan Haitham bin Tariq Al Said.

Suldaan Qaboos oo muddo 50 sano ah maamulayay dalkaa ayaa dhinaca kale ahaa Hoggaamiyihii ugu xukunka dheeraa ee Carab, waxaana uu ka talinayay Saldanada Cummaan muddo 50 sano ah.

Madaxweyne  Farmaajo ayaa inta uu ku sugan yahay  dalka Cummaan waxaa uu sidoo kale la kulmi doonaa suldaanka cusub ee  dalka Cumman,kaas oo bedeley suldaankii geeriyoodey ee Suldaan Qaamuus  Ibnu Siciid Ibnu Tamuur iyo Madax kala duwan oo halkaasi u tageysa  tacsida qaran ee u taalla shacabka iyo Saldanadda  Cumaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]