Hiiraan Online
4/20/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Axad, Jan 12, 2020
Puntland oo shaacisay xilliga xukunka lagu fulinayo raggii kufsaday oo dilay Caa’isha Ilyaas
Axad, Janaayo, 12, 2020 (HOL)- Xeer-ilaaliyaha guud ee Puntland Maxamuud Xassan Aw-Cismaan ayaa shaaciyay waqtiga la fulin doono xukunka dilka ah ee maxkamaddaha Puntland ku xukumeen saddexdii nin ee kufsaday islamarkaana dilay Caasho Ilyaas Aadan.
Xeer-ilaaliyaha guud ayaa sheegay in xukunka la fulin doono 11-ka bisha labaad ee sannadkaan marka ay saacaddu tahay 8:00 subaxnimo, goobta laga fulin doonana ay tahay Bosaaso.
Xukumanayaasha ayaa laga wareejiyay xabsiga dhexe Garowe, sababo lagu sheegay in aan xabsigaas loo ogolayn in lagu hayo dad ku xukuman dil toogasho ah, isagoo xabsigaas ay taageerto hay’adda UNODC.
Qoyska Caa’isha Ilyaas, ayaa xeer ilaalinta u gudbiyay codsi ku saabsan in loo qisaaso raggii gabadhooda dilay.
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]