4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 12, 2020
Kheyre iyo James Swan oo ka wada hadlay sharciga Doorashooyinka Qaranka

 

Axad, Janaayo, 12, 2020 (HOL)-Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre iyo Wakiilka Qarramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan ayaa kulan gaar ah oo ay yeesheen waxaa ay uga wada hadleen arrimaha Doorashooyinka ku soo foolka leh dalka

Kheyre ayaa dhankiisa uga mahad celiyay Qaramada Midoobey  taageeradeeda Soomaaliya iyo doorka ay ku leeyihiin arrimaha amniga iyo  doorashooyinka.

Ergeyga Qaramada Midoobey James Swan ayaa sheegay in Qaramada Midoobey ay sii wado doonto taageerada Soomaaliya ee dhinacyada Amniga iyo Dhaqaalaha.

Sanadkan 2020 iyo horraanta  sanadka 2021 ayaa la filayaa inay dalka ka dhacaan doorashooyinka  Baarlamaanka iyo tan Madaxtooyada, iyadoo  Beesha caalamka ay wadaan  xaqiijinta sidii doorasho dalka uga dhici laheyd.

Golaha Shacabka ayaa dhawaan meel mariyay sharciga Doorashooyinka iyadoo dhinaca kalana la horgeeyay xildhibaannada Aqalka sare sharciga oo la filayo in dhankooda ay meel mariyaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]